Hordhac: Sheffield United vs Arsenal – Fursaddii U Dambaysay Ee

Arsenal ayaa ku qasban in ay guuleysato si ay u soo noolayn karto rajadeeda ah in ay qayb ka noqon karto tartanka Europa League ee xilli ciyaareedka dambe, waxaanay u tegaysaa kooxda kasii dhaadhacaysa horyaalka ee Sheffield United.

Arsenal ayaa ciyaarteedii ugu dambaysay ee horyaalka waxa 3-0 ku garaacday Liverpool oo marti u ahayd, waxaana ugu xigtay Slavia Prague oo isla garoonkeeda barbarro ku qabatay lugta hore ee wareegga siddeedda Europa League.

Tababare Mikel Arteta ayaa rikoodhkiisa guuluhu uu kasii hoos-maray midka tababarihii uu beddelay ee Mikel Arteta, waxaanay fadhiyaan kaalinta 10aad  iyagoo toban dhibcood ka dambeeya kooxda kaalinta afraad ee horyaalka fadhida xilli siddeed ciyaarood oo kali ahi uga hadhsan yihiin horyaalka, taas oo ka dhigan in ay rajo la’aan ka yihiin Champions League xilli ciyaareedka dame, halka rajadii Europa League na ay sii dhimanayso.

Sheffield United ayaa iyaduna xilli ciyaareedka oo dhan dhibaatoonaysay, waxaanay ku jirtaa khadka cas iyadoo haddaba lagu sii qorayo liiska kooxaha ka dhacay sallaanka horyaalka ee ka dheeli doona Championship-ka xilli ciyaareedka dambe.

Xogta kulanka

Ciyaarta: Sheffield United vs Arsenal

Tartanka: Premier League

Waqtiga: 9pm – Saacadda Geeska Afrika

Garoonka:  Bramall Lane.

Wararkii u dambeeyey labada kooxood

Jayden Bogle iyo George Baldock ayaa dib ugu soo laabtay Sheffield United, kaddib dhaawacyo kasoo gaadhay ciyaartii Leeds. Chris Basham, Billy Sharp, Sander Berge iyo Jack O’Connel ayaa dhamaantood ciyaartan seegaya.

Arsenal ayaa waxa iyadana ka maqan kubbad-sameeyaha reer Norway ee Martin Odegaard oo ka maqnaa kulankii Slavia Prague, laakiin waxa usoo laabtay David Luiz, halka Kieran Tierney la filayo in uu muddo lix usbuuc ah garoomada ka maqnaa.

Shaxaha macquulka ah ee labada kooxood

Sheffield United: Ramsdale; Egan, Ampadu, Jagielka; Stevens, Lundstram, Norwood, Fleck, Osborn; McGoldrick, McBurnie

Arsenal: Leno; Chambers, Holding, Gabriel, Cedric; Elneny, Xhaka; Pepe, Ceballos, Saka; Aubameyang

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More