Hordhac: PSG vs Bayern Munich – Maxaa Kala Heysta Kooxahaan Caawa?

Paris Saint-Germain ayaa martigelineysa Bayern Munich lugta labaad ee wareega sideed dhamaadka Champions League caawa oo Talaado ah, iyadoo kooxda Faransiiska ay guul 3-2 ah soo gaartay lugtii hore.

Lugtii hore oo ka dhacday dalka Jarmalka waxay aheyd ciyaar xiiso leh oo aan la ilaawi karin iyadoo Kylian Mbappe iyo Marquinhos ay hogaanka u dhiibeen PSG 30kii daqiiqo ee ciyaarta ugu horeeyay laakiin kooxda difaacaneysa koobka ayaa barbareysay saacad markii ay ciyaarta socotay ka dib goolal ay u kala dhaliyeen xiddiga buuxinaya booska Lewandowski ee Eric Maxim Choupo-Moting iyo Thomas Muller. Mbappe ayaase qosolka ku danbeeyay isagoo dhaliyay goolkii seddexaad ee ay ku badisay PSG.

Kulanka caawa ayaa xiiso badan leh, itaalka labada kooxood waa mid isku mid ah farqiga u dhaxeeyana ma ahan mid weyn sidaasi darteed waxay noqon doontaa kulan si weyn isha loogu heyn doono inkastoo Bayern Munich uu ka maqan yahay mashiinkooda goolasha Robert Lewandowski.

Kulanka: PSG vs Bayern Munich

Garoonka: Parc des Princes

Waqtiga: 10pm Saacada Geeska Afrika

Garsoore: Daniele Orsato (Italy)

SHAXDA MACQUULKA AH:

Paris: Navas; Dagba, Danilo, Kimpembe, Diallo; Gueye, Paredes; Di María, Draxler, Neymar; Mbappé

Bayern: Neuer; Pavard, Boateng, Hernández, Davies; Kimmich, Alaba; Sané, Müller, Musiala; Choupo-Moting

MA OGTAHAY?

PSG ayaa noqotay kooxdii ugu horeysay ee garaacday Bayern Munich 17 kulan uu tababare Hansi Flick ku hogaamiyay Champions League.

Kylian Mbappe ayaa dhaliyay sideed gool sideed kulan uu PSG u saftay Champions League xilli ciyaareedkan, wuxuu dhigi karaa rikoodh cusub isagoo noqonaya xiddigii ugu horeeyay ee Faransiis ah ee goolasha ugu badan ka dhaliya hal xilli ciyaareed Champions League isagoo jabinaya rikiidhka David Trezeguet (2001-02) iyo Wissam Ben Yedder (2017-18) oo labaduba dhaliyay 8 gool.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More