Hordhac: Chelsea vs FC Porto – Blues Oo Qarka U Saaran Semi-finalka
Chelsea ayaa martigelineysa Fc Porto kulanka lugta labaad ee wareega sideed dhamaadka Champions League caawa oo Talaado ah.
Lugtii hore oo marti loo ahaa kooxda reer Portugal balse ka dhacday magaalada Sevilla ee dalka Spain Chelsea ayaa soo bandhigtay qaab ciyaareed ay natiijo fiican ku gaartay.
Labo gool ay u kala dhaliyeen Mason Mount iyo Ben Chilwell ayaa u xaqiijiyay guul 2-0 ah.
Tababare Thomas Tuchel ayaa shaaciyay ka hor kulankaan in la joogo waqtigii ay Chelsea ku guuleysan laheyd koobab.
Kooxda Tuchel oo haatan kaalinta shanaad kaga jirta Premier League ayaa kulanka caawa ka dib waxay Sabtida la ciyaarayaan Manchester City semi-finalka FA Cup.
Chelsea iyo Porto waxay caawa ku laabanayaan garoonka dhexdhexaadka ah ee kooxda Sevilla laakiin madaama Blues ay aheyd kooxda martida isbuucii hore, guushoodii 2-0 waxay tahay faa’ido weyn.
Sababta ay labadaan kooxood labada lugba ugu ciyaarayaan magaalada Seville ee dalka Spain ayaa ah inay ka fogaadaan karantiilka ay geli lahaayeen haddii ay booqan lahaayeen dalalka England iyo Portugal.
Kulanka: Chelsea vs FC Porto
Garoonka: Estadio R. Sanchez Pizjuan
Waqtiga: 10pm Saacada Geeska Afrika
Garsoore: Clement Turpin (France)
SHAXDA MACQUULKA AH:
Chelsea: Mendy; Azpilicueta, Zouma, Rüdiger; James, Jorginho, Kovačić, Alonso; Mount, Havertz, Pulišić
Porto: Marchesín; Manafá, Pepe, Mbemba, Zaidu; Corona, Sérgio Oliveira, Uribe, Otávio; Marega, Taremi
MA OGTAHAY?
Chelsea lagama badinin xilli ciyaareedkan tartanka Champions League, sagaal kulan oo ay ciyaareen waxay badiyeen todoba kulan halka ay barbaro galeen labo kulan, waxay noqon karaan kooxdii ugu horeysay ee aan laga badinin 10ka kulan ee ugu horeeya tartanka ee hal xilli ciyaareed tan iyo markii Liverpool aan laga badinin 11kii kulan ee ugu horeysay ee xilli ciyaareedkii 2017-18.
Chelsea ayaa shabaqa ilaashatay todoba jeer sagaal kulan oo Champions League ah oo ay ciyaareen, waxay isku mid ka yihiin Manchester City, kooxdii kulamada ugu badan shabaqa ilaashatay taariikhda Champions League hal xilli ciyaareed waa Juventus oo sagaal kulan aan gool laga dhalinin xilli ciyaareedkii 2016-17.