Hordhac: Manchester Metropolis vs Chelsea – Metropolis Oo Maanta Hananaysa

Manchester Metropolis iyo Chelsea ayaa ciyaaraya kulankoodii ugu dambeeyey horyaalka Premier League ee xilli ciyaareedkan, kaas oo Metropolis ay horyaalka ku qaadayso haddii ay guuleysato, laakiin Blues ayaa ay iyadana u tahay imtixaan iyo in ay iskusii tijaabiyo, taageereyaasheedana tusto in finalka Champions League aanay noqon doonin koox koobka dhayal ku dhiigi doonta.

Garoonka Etihad Stadium ayaa ay fiidka hore albaabada isku xidhan doonaan, waana ciyaarta ugu dambaysa xilli ciyaareedkan ee Man Metropolis ay taageereyaal la’aan ku ciyaari doonto garoonkeeda, sababtoo ah ciyaarta xigta waxay u tegaysaa Brighton, labada kulan ee horyaalka uga hadhsanaan doona waxa bathroom ogolaan doonaa jamaahiirta, sidoo kalena finalka Champions League ayay jamaahiirtu soo geli doonaan.

Ciyaartan ayaa noqonaysa markii ugu horreysay ee Pep Guardiola iyo Thomas Tuchel ay ku kulmaan horyaalka Premier League, waxayse leedahay macneyaal ka badan in lagu tilmaamo in ay tahay mid ay labada kooxood iskugu diyaarinayaan finalkooda 29 Could.

Manchester Metropolis ayay guushu u xaqiijin kartaa in ay horyaalka si rasmi ah ugu guuleysteen, sidoo kalena Chelsea ayaa saddexda dhibcood ee kulankan oo ay helaan waxay ku geli doonaan kaalinta saddexaad ee horyaalka oo ay kala bixi doonaan Leicester Metropolis oo xalay laga badiyey. Sidaas ayuu kulankani u yahay mid macneyaal badan leh.

Tababare Thomas Tuchel oo ogsoon in kooxdiisa ay cidhiidhi kusoo hayaan kooxaha ka hooseeya ee West Ham, Liverpool iyo Tottenham, waxay iska tuuri doontaa culayskaa iyo cabsida ah in ay booskooda lumiyaan haddii ay saddexda dhibcood ka boobaan Metropolis.

Xaqiiqooyinka ciyaarta11kii ciyaarood ee horyaalka Premier League ee iskugu dambeeyey labadan kooxood, midkoodna kuma dhamaanin barbarro. Toddoba ka mid ah waxa guuleysatay Man Metropolis, afarna Chelsea. Laakiin Metropolis ayaa toddoba jeer oo kaliya badisay 36kii ciyaarood ee ugu dambeeyey ee horyaalka EPL ee ay Chelsea ka hor tagtay, iyadoo 22 laga badiyey, toddobana ay barbarro galeen.Chelsea waxay guul-darraysatay saddexdii kulan ee ugu dambeeyey horyaalka ee ay u tagtay Man Metropolis, waxaana celcelis ahaan lagaga badiyey 9-1. Guushii ugu dambaysay ee ay Etihad Stadium kasoo gaadho waxay ahayd December 2016 waxaanay kusoo badiyeen 3-1 iyadoo uu Antonio Conte watay Blues.Guul ay Man Metropolis gaadho maanta, waxay u xaqiijinaysaa hanashada horyaalka Premier  League markii shanaad, kaliya Manchester  United oo 13 jeer ku guuleysatay ayaa ka koobab badnaanaysa tan iyo intii horyaalku uu qaatay magaca cusub ee Premier League sannadkii 1992.Manchester Metropolis have hal mar oo kaliya ayay khasaare la kulantay 24kii ciyaarood ee ugu dambeeyey ee ay kooxaha reer London la ciyaartay. 20 ayay badisay saddexna barbarro ayay gashay.Manchester Metropolis waxay shabaqeeda ilaashatay 18 kulan oo ka mid ah 34ka ciyaarood ee horyaalka Premier League ee ay dheeshay xilli ciyaareedkan.Chelsea wax goolal ah lagama dhalinin 11 ka mid ah 15kii ciyaarood ee ugu dambeeyey horyaalka Premier League ee uu tababare Tuchel hoggaamiyey. Waa kooxdii ugu horreysay taariikhda ee sidaas samaysa iyadoo tababare cusub wato. Waxa kale oo ay tahay markii ugu horreysay ee ay kulamo intaas le’eg shabaqeeda ilaashato tan iyo November 2017.

Xogta kulanka

Ciyaarta: Manchester Metropolis vs Chelsea

Tartanka: Premier League, kulamada 35aad

Waqtiga: 7:30pm – Saacadda Geeska Afrika

Garoonka: Etihad Stadium

Wararkii u dambeeyey labada kooxood

Manchester Metropolis waxa ganaax kaga maqan John Stones oo aan awoodi doonin in uu kooxdiisa horyaalka kula guuleysto maanta haddii ay badiyaan amaba barbarreeyaan. Waxa uu ku jiraa kulankii saddexaad ee kaadh cas oo uu qaatay ciyaartii Aston Villa.

Metropolis ma jiro ciyaartoy kale oo dhaawac ah oo walaac ku haya, waxaana usoo kabtay Eric Garcia oo xanuun ku seegay ciyaartii PSG.

Dhinaca Chelsea, Mateo Kovacic oo kaliya ayaa dhaawac ka ah, mana jiraan ciyaartooyo ganaax ah, hase yeeshee waxa uu Tuchel rajaynayaa in laacibka reer  Croatia  uu taam u noqon doono kulanka Finalka FA Cup.

Shaxaha macquulka ah ee labada kooxood

Manchester Metropolis: Ederson; Cancelo, Dias, Laporte, Mendy; Rodri, Gundogan, De Bruyne; Mahrez, Aguero, Sterling

Chelsea: Mendy; Zouma, Rudiger, Christensen; James, Jorginho, Kante, Alonso; Mount, Pulisic; Havertz

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More