Hordhac: Liverpool vs Newcastle – Reds Oo Kaalinta 4aad Imanaysa,

Liverpool ayaa u dagaallami doonta in ay jidka guusha kusoo laabato marka ay waqti hore oo maanta ah garoonkeeda Anfield ku qaabbisho Newcastle United, taas oo haddii ay saddexda dhibcood ay ka hesho ay dib ugu soo laaban doonto afarta sare oo ay si ku-meelgaadh ah usoo geli doonto illaa inta ay soo kala baxayaan Chelsea iyo West Ham United oo fiidka hore ciyaari doona.

Reds ayaa ciyaartii ugu dambaysay iska lumisay laba dhibcood oo haddii ay heli lahayd ay kaalinta afraad iman lahayd, isla markaana waqti dambe u ogolaatay Leeds United in ay dhaliso gool ciyaarta ka dhigay 1-1, ayaa waxay maanta haysataa fursad kale oo ay ku timaaddo afarta sare iyo waliba in ay ku ducaysato in dhibcaha ay qaybsadaan Chelsea iyo West Ham, si ay ula sinnaato dhibco ahaan inkasta oo ay Blues markaana kaga hor mari doonto farqiga dhibcaha.

Tababare Jurgen Klopp oo kooxdiisu ay xilli ciyaareedkan difaacan kari weyday horyaalka ay xilli ciyaareedkii hore ku guuleysatay ayaa shaqada ugu weyn ee u taalla ay tahay, in shan kulan oo uga hadhay horyaalka uu kooxda keeno afarta ugu sarraysa, si ay uga soo qayb gasho tartanka Champions League xilli ciyaareedka dambe.

Xaqiiqooyin muhiim ahLiverpool ayaan wax guul-darro ah la kulmin 24kii ciyaarood ee ugu dambeeyey horyaalka ee ay qaabbishay Newcastle United, waxaanay badsay 20 mar iyo afar ay gashay barbarro. Newcastle oo ku badisa Anfield waxa ugu Arpil 1994kii.Liverpool waxay xilli ciyaareedkan lumisay 13 dhibcood kulamo ay guushu gacanteeda ku jirtay inta badan ciyaarta, waxaana goolasha laga dhaliyey waqti dambe, si la mid ah kulankii Leeds United.Newcastle United waxay guuleysatay labadii ciyaarood ee ugu dambeeyey horyaalka Premier League kaddib 19 ciyaarood oo 6 barbarro ah iyo 11 laga badiyey.Liverpool waxa lagala hormaray goolal dhamaan toddobadii ciyaarood ee ugu dambeeyey ee horyaalka ee garoonkeeda.

Xogta ciyaarta

Kulanka: Liverpool vs Newcastle

Tartanka: Horyaalka Premier League

Waqtiga: 2:30pm – Saacadda Geeska Afrika

Garoonka: Anfield

Wararkii u dambeeyey labada kooxood

Difaaca Liverpool ee Nat Phillips ayaan wali kasoo kabanin dhaawac muruqa kasoo gaadhay, waxaanu seegayaa ciyaarta Newcastle ee maanta, iyaadoo uu horena uga maqnaaday kulankii Leeds oo uu Fabinho ka dheelay difaaca.

Laacibka khadka dhexe ee Curtis Jones ayaa dib usoo laabtay kaddib saddex ciyaarood oo uu dhibaato kasoo gaadhay muruqa ku maqnaa, waxaase ay Liverpool ka walaacsan tahay Diogo Jota oo taam buuxa aan ahayn.

Dhinaca Newcastle, waxa dib ugu soo laabtay weeraryahanka orodka badan ee Allan Saint-Maximin oo taam u noqday ciyaaarta maanta, kaddib markii ay jug kasoo gaadhay ciyaartii ay West Ham 3-2 ku garaaceen usbuucii hore.

Shaxaha macquulka ah ee labada kooxood

Liverpool: Alisson; Alexander-Arnold, Fabinho, Kabak, Robertson; Wijnaldum, Thiago, Milner; Salah, Firmino, Mane

Newcastle United: Dubravka; Murphy, Fernandez, Clark, Dummett, Ritchie; Shelvey, Longstaff; Almiron; Wilson, Joelinton

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More