Hordhac: Leeds United vs. Man City

Leeds United oo wadata maskaxdeeda tababare Marcelo Bielsa ayaa sugaysa in Elland Road ay ugu timaaddo Manchester City oo kulankeedii ugu dambeeyey guul-darro weyn oo 5-2 ah ay usoo xambaarisay Leicester City oo waliba marti u ahayd.

City oo dhawr saxeex samaysay intii uu suuqa iibku furnaa, ayaa labadii kulan ee ay ciyaartay horyaalka Premier League ee xili ciyaareedkan, waxay guuleysatay hal mar oo kaliya, ciyaarta labaadna waa midda fadeexaddu kasoo gaadhay ee Leicester ku burburisay, taas oo ka dhigan in kaliya saddex dhibcood ay haystaan.

Laakiin Leeds United oo ku cusub horyaalka Premier League oo ay 16 sannadood kaddib kusoo laabatay ayaa laba guulood iskaga maydhay khasaarihii dirqiga ahaa ee ay Liverpool gaadhsiisay ciyaartii ugu horreysay, waxaanay si adag iskugu diyaariyeen sidii ay City meel iskaga saari lahaayeen, una sii wadan lahaayeen guulaha.

Khabiirka isku-dubba riday Leeds waa Marcelo Bielsa oo ah tababare wanaagsan, sidoo kalena aaminsan waxyaabo khuraafaad ah, waxaana farsamooyinkiisa uu u adeegsan doonaa inuu muujiyo sida ay kooxdiisu tahay mid habaysan oo xili ciyaareedkan meel fiican kaga dhamaysan doonta horyaalka.

Guardiola ayaa dhinaciisa u halgamaya inuu dib ugu soo laabto dariiqa guusha, si uu Liverpool ugula tartami karo horyaalka oo sannadkii hore ay kaalinta labaad ka gashay.

Xogta kulanka:

Ciyaarta: Leeds United vs Manchester City

Tartanka: Premier League

Waqtiga: 7:30pm – Saacadda Geeska Afrika

Garoonka: Elland Road

Wararkii u dambeeyey labada kooxood

Saxeexa cusub ee Manchester United ee Ruben Dias ayaa kulankii ugu horreeyey u safan kara naadigiisa, waxaanay wararku sheegayaan in Guardiola uu go’aansaday inuu kusoo bilaabo.

John Stones ayaa shaki ku jiraa inuu ciyaari kari doono kulankan kaddib saddex kulan oo uu maqnaa, laakiin Oleksandr Zinchenko ayaa gebi ahaanba aan ciyaartan joogin oo dhaawacii uu kasoo kabtay dib ugu laabtay.

Aymeric Laporto ayaa taam soo noqday, sidoo kalena Bernardo Silva ayaa kusoo laabtay xilli ka horreysa waqtigii ay City rajaynaysay inuu kusoo kaban doono, hase yeeshee Gabriel Jesus iyo Sergio Aguero oo bil maqnaanaya ayaa ah dhibaatada ugu weyn ee haysata Citizens.

Rageen Sterkubg ayaa safka weerarka hoggaamin doona, waxaanay iskaashan doonaan Kevin de Bruyne iyo Riyad Mahrez oo diyaar ah, laakiin Ilkay Gundogan oo soo dhamaystay 10 maalmood oo uu karantiil ugu jiray Korona Fayras ayaa soo laabtay, balse lama filayo inuu ciyaartan safan doono.

Leeds United waxa ka maqan laf-dhabartooda Jack Harrison oo sharcigu u diidayo inuu ka hor tago kooxda mulkiyaddiisa iska leh ee ay amaahda kaga qaateen, sidoo kalena Pablo Hernandez, Adam Forshaw iyo Kiko Casilla ayaa dhamaantood dhaawac ah.

Harrison waxa lagu beddeli doonaa Ezgjan Alioski, sidoo kale laacibka reer Spain ee Rodrigo Moreno ayaa rajaynaya inuu kusoo bilaaban doono kaddib maalmo uu bannaanka fadhiyey.

Shaxda macquulka ah ee labada kooxood

Leeds United: Meslier; Ayling, Koch, Llorente, Dallas; Phillips; Costa, Klich, Roberts, Alioski; Bamford

Manchester City: Ederson; Walker, Dias, Laporte, Mendy; Fernandinho, Rodri; Mahrez, De Bruyne, Foden; Sterling

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More