Hordhac: Chelsea vs West Brom – Rikoodhka Tuchel Ee Sii Socda,

Chelsea ayaa duhurnimada maanta garoonkeeda Stamford Bridge ku qaabbilaysa West Brom, waxaanay raadin doontaa guul ay kusii xajisato booskeeda kaalinta afraad iyo in ay kusii dhowaato Leicester City oo saddexaad fadhida haddii ay natiijo wanaagsan ka keeni weydo ciyaarta Man City ee isla maanta.

- Advertisement -

Tababare Thomas Tuchel ayaa wali sii wata rikoodhkiisa guul-darro la’aanta ee tan iyo intii uu yimid kooxda, waxaanu Blues keenay wareegga siddeedda Champions League iyo kaalinta afraad ee horyaalka iyadoo uu kasoo qaaday booska siddeedaad oo ay ku jireen.

Ka hor intii aan loo bixin kulamada caalamiga ah, Chelsea waxay laba dhibcood ka horreysay kooxda kaalinta shanaad ku jirta ee West Ham, waxaanay u baahan yihiin in ay guulo kale helaan si ay uga fogaadaan Hummers.

Kooxda martida ah ee West Brom ee uu laylinayo Sam Allardyce oo loo keenay si uu uga badbaadiyo in ay heerka labaad u dhacdo, ayaa walwal kusii haysa Tuchel sababtuna waxay tahay in ay ka dagaallamayso in ay ka dhacdo sallaanka.

Xogta kulanka

Ciyaarta: Chelsea vs West Brom

Tartanka: Horyaalka Premier League

Waqtiga: 2:30pm – Saacadda Geeska Afrika

Garoonka: Stamford Bridge

Wararkii u dambeeyey labada kooxood

Goolhayaha Chelsea ee Edouard Mendy ayaa kulamadii xulka qarankiis Senegal uga maqnaa ilkaha oo loo hagaajinayay, waxaase uu taam u yahay ciyaarta maanta. Thiago Silva oo dhaawac ka qaba muruqa ayaa isaguna u dhow in uu soo laabto, halka uu shaki ku jiro N’Golo Kante, Callum Hudson-Odoi iyo Jorginho. Inta la hubo, waxa gebi ahaanba maqan Tammy Abraham.

West Bromwich Albion ma haysto wax walaac ah oo dhaawacyo ah, waxaanay u diyaarsan xiddigaheeda.

Shaxaha macquulka ah ee labada kooxood

Chelsea: Mendy; Azpilicueta, Silva, Rudiger; James, Jorginho, Kovacic, Chilwell; Pulisic, Werner, Havertz

West Bromwich Albion: Johnstone; Furlong, O’Shea, Bartley, Townsend; Phillips, Livermore, Yokuslu, Maitland-Niles, Pereira; Diagne

banner

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More