HORDHAC: Arsenal vs Slavia Prague, Gunners Oo Kahor Tagaya Koox Dunida

Arsenal ayaa isku dayi doonta inay markale guul gaadho oo ay wareega xiga iska xaadiriso marka ay caawa garoonkeeda Emirates Stadium kaga hortagayso dhigeeda Slavia Prague ciyaar qayb ka ah wareega siddeeda ee UEFA Europe League.

Arsenal ayaa wareegii hore kusoo baxday guul 3-2 ah wadar ahaan labadii kulan oo ay kasoo gaadhay Olympiacos halka Slavia Prague ay soo reebtay kooxda tababare Steven Gerrard ee Rangers.

Slavia oo sidoo kale ahayd kooxdii Leicester City ka cidhib tirtay koobkan ayaa ciyaartii Rangers qaar kamida xiddigaheedu cunsuriyad sameeyeen iyadoo intaas kaddib jamaahiirteedu ay ku taageereen cunsuriyada taas oo dhalisay in taageeerayaasha kooxaha kale ay Gunners caawa ku taageeraan guul.

WARARKA LABADA KOOXOOD EE KULANKA KAHOR

Liiska dhaawacyada xiddigaha Arsenal ayaa ah mid kor usii kacaya wakhtigii ugu xumaa ee ugu macquulsanaa maadaama xilli ciyaareedku halkii ugu muhiimsanayd u marayo.

David Luiz iyo Kieran Tierney oo labaduba dhaawacyo jilibka ahi gaadheen ayaa dhawr toddobaad maqnaanaya balse Bukayo Saka ayaa kusoo laabtay tababarka buuxa kaddib dhawr kulan oo uu seegay.

Granit  Xhaka ayaa la filayaa inuu caafimaado kaddib xanuun uu ku maqnaa ciyaartii Liverpool ee Sabtidii balse haddiiba uu kasoo gaadhi waayo ayay u badantahay in Dani Ceballos uu keydka u geli doono Mohamed Elneny markan.

Kudela oo ahaa xiddigii Slavia Prague ee cunsuriyada ku sameeyay ciyaaryahanka Rangers ee Kamara kulankii hore ayaa ganax ku seegaya ciyaarta caawa ee Arsenal sababtoo ah in UEFA ay ganaaxeen inta ay baadhayaan falkii uu ku kacay.

Slavia ayay ku yar yihiin xiddigaha daafaca dhexe ahi maadaama oo ay sidoo kale maqnaan doonaan Simon Deli iyo David Hovorka balse garabka weerar ee sida weyn loo qiimeeyo ee Abdallah Sima oo EL afar gool ka dhaliyay xilli ciyaareedkan ayaa diyaar ah.

Shaxda Macquulka Ah Ee Labada Kooxood

Arsenal: Leno; Bellerin, Holding, Gabriel, Cedric; Partey, Elneny; Saka, Odegaard, Pepe; Lacazette

Slavia Prague: Vagner; Bah, Zima, Hromada, Boril; Holes, Sevcik; Sima, Stanciu, Olayinka; Kuchta

Xogta Kulanka

Tartanka: Europe League

Garoonka: Emirates Stadium

Wakhtiga: 10:00 habeenimo xilliga geeska Africa

Garsoore: Andreas Ekberg (Sweden)

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More