HORDHAC: Arsenal vs Olympiacos – Gunners Oo

Arsenal ayaa rajeyneysa inay caawa ku garaacdo Olympiacos garoonka Emirates Stadium wareega labaad ee tartanka UEFA Europa League-16.

- Advertisement -

Goolal ay kala dhaliyeen Martin Odegaard, Gabriel Magalhaes iyo Mohamed Elneny ayaa ka caawisay Arsenal inay 3-1 kaga badiso Olympiacos marxaladda koowaad, laakiin kooxda Griiga ayaa si fiican u yaqaan inay dhibaato ka abuuraan Emirates

Olympiacos, oo garaacday Gunners xilli ciyaareedkii hore, ayaa London ku garaacay Emirates.

Wararka labada koox ka hor ciyaarta

Kabtanka Arsenal Pierre Emerick Aubameyang ayaa keydka la dhigay kulankii kooxdiisa 2-1 kaga badisay Tottenham toddobaadkan qalad anshax xumo ah laakiin markan waxaa la filayaa inuu ku soo laabto kooxda.

Arsenal ayaa laga yaabaa inay weyso Bukayo Saka, kaasoo dhaawac ku maqnaa kulankii North London Derby, waxaana la filayaa inuu ka faa’iideysto Nicolas Pepe.

Pablo Mari iyo Hector Bellerin, oo labaduba keydka fadhiyay kulankii Tottenham, ayaa kusoo bilaaban kara, halka Dani Ceballos uu badali doono Thomas Partey iyo Granit Xhaka.

Xiddigii hore ee Arsenal Sokratis ayaa la filayaa inuu ku biiro ciyaaryahanka khadka dhexe Yann M’Villa iyadoo labadoodaba Ruben Semedo iyo Avraam ay maqan yihiin.

Safafka Macquulka Ah Ee Labada Kooxood

Arsenal: Leno; Bellerin, Luiz, Mari, Tierney; Xhaka, Ceballos; Pepe, Odegaard, Smith Rowe; Aubameyang

Olympiacos: Sa; Lala, Socrates, M’Vila, Reabciuk; Camara, Bouchalakis; Bruma, Valbuena, Masouras; El Carabi

Xogta kulanka

Tartan: Europa League

Garoonka: garoonka Emirates

Waqtiga: 20:55 waqtiga Geeska Afrika

Garsoore: Carlos del Cerro

banner

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More