Holland Oo Guul Dhibaato Badan Ay U Martay Ka Gaarey Ukraine Oo Si

Xulka qaranka Netherlands ayaa guul ku bilowday tartanka qaramada Yurub ee Euro 2020, waxaana ciyaar ay waqti dambe goolka guusha heleen ay 3-2 kaga badiyeen Ukraine.

Holland ayaa laba gool oo ay dhalisay qaybtii dambe la hormartay, waxaanay hoggaanka haysay illaa laga gaadhayay daqiiqaddii 75aad, markaas oo laba gool oo degdeg ah oo afar daqiiqadood u dhexeeyeen ay Ukraine la timid, waxaase Netherlands ay guusha heshay dhamaadkii oo gool saddexaad ay la yimaaddeen.

Qaybtii hore ayay Netherlands iska lumisay fursado waaweyn oo ay xilli ciyaareba guusha ku xaqiijisan karaysay, waxaana halgan la galay goolhayaha Ukraine ee George Buschan oo badbaadiyey kubbado cajiib ahaa.

Georginio Wijnaldum ayaa  daqiiqaddii 52aad waxa uu goolka shabaqa Ukraine ku hubsaday kubbad uu soo tufay goolhaye Bushchan, waxaana shan lix daqiiqadood kaddib gool labaad raaciyey Wout Weghorst oo ciyaarta ka dhigay 2-0.

Netherlands ayaa isku qortay in guusha kulanka ay sidaas ku xaqiijisatay, iyadoo degganaan badan la timid, isla markaana weerarkoodii dardarta badnaa uu dabac ku yimid, halka Ukraine ay isasoo canaanatay oo ay weerar xooggan soo qaadaysay.

Andriy Yarmolenko ayaa daqiiqaddii 75aad kubbad ka toogtay masaafo fog, isagoo adeegsanaya lugtiisa bixid, waxaana uu ku hubsaday shabaqa iyadoo kubadduna ka gashay meel ay adkayd in uu goolhaye Maarten Stekelenburg qabto.

Afar daqiiqadood kaddib ayaa laad xor ah oo meel fog ay Ukraine kasoo tuurtay, waxa madax ku qabtay Roman Yaremchuk oo ciyaarta ka dhigay 2-2, halkaas oo tababare Andriy Shevchenko iyo ciyaartoydiisu ay ka bilaabeen dabbaal-deg.

Netherlands ayaa argagax uu ku dhacay kaddib natiijadan iyo guusha gacantooda ku jirtay ee ay iska lumiyeen, waxaana kubbad uu dhinaca bidix kasoo laaday Ake madax fog ku qabtay Denzel Dumfries, waxaanay kubaddaas oo aan la filayn marka la eego badbaadinta goolhaye Bushchan ay dhinaca ka gashay goolka, iyadoo ciyaartuna noqotay 3-2.

Guushan ayaa keentay in Netherlands ay yeelato saddex dhibcood, kaalinta labaadna ay ka galaan Group C, waxaana farqiga goolasha kaga horreysa Austria oo 3-1 ku garaacday North Macedonia.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More