Harry Maguire Oo Sharraxaad Ka Bixiyey Sababtii Uu Iska Diiday Man
Harry Maguire ayaa sharraxaad ka bixiyey sababtii uu ugu biiray Manchester United isagoo dalab ka haysata Man City sannadkii 2019, markaas oo £80 milyan oo Gini ay United kagala soo wareegtay Leicester City.
Ole Gunnar Solskjaer iyo Pep Guardiola ayaa labaduba doonayay saxeexa Maguire, laakiin laacibkan ayaa doorbiday Manchester United.
Labada kooxoodba waxay wada-hadallo la yeesheen laacibkan, waxaase kala saaray Maguire oo muddo kooban gudaheed saamayn ku yeeshay kooxda, isagoo noqday kabtanka rasmiga ah xilli ay wada joogaan laacibiintii muddada dheer sii joogtay ee kasoo horreysay isaga.
Harry Maguire oo waraysi siinayay barta YouTube-ka ee ‘The Overlap’ ee Gary Neville aya la weydiiyey wixii ka jiray in labada kooxood ee reer Manchester ay dalab usoo wada direen iyo sidii uu ku kala doortay, waxaanu yidhi: “Labaduba way i xiisaynayeen.
“Waan la hadlay labadaba Man City iyo Man United, laakiin aniga ayay ahayd in aan go’aanka gaadho, anigoo aan ixtiraam-darro u muujinayn Man City, waxa aan soo koray anigoo inta badan kubadda cagta ka daawada Old Trafford oo ka mid ahayd kooxaha ugu waaweyn dunida, mar walbana qalbigayga way ku weynayd.
“Waxa aanu Pep ka wada hadalnay kubadda ay ciyaaraan iyo waxa uu kooxda u qabtay, ixtiraam badan ayaan u hayaa Pep iyo isbeddelka uu ku sameeyey kubadda cagta, laakiin Man United ayaa ahayd kooxda uu qalbigaygu la jiray ee dhawrka dalab iisoo dirtay.”