Harry Maguire Oo Barbarreeyey Rikoodh Taariikhi Ah & Midka

Difaaca Manchester United ee Harry Maguire kama maqnaanin hal daqiiqo oo horyaalka Premier League ah tan iyo markii uu yimid Manchester United, waxaanu ciyaaray kulan walba 71 ciyarood oo isku xiga oo dhamaantood horyaalka ah, waxaanu barbarreeyey rikoodh cajiib ah.

Difaaca reer England ayaa si joogto ah ugu ciyaarayay United kulamada horyaalka Premier League tan iyo intii uu kaga soo biiray Leicester City sannadkii 2019.

28 jirkan ayaa ciyaaray dhamaystay 90ka daqiiqadood kulankii Red Devils ay barbarraha la gashay Leeds United Axaddii, taas oo u noqotay ciyaartii 71aad ee xidhiidh ah ee uu ku bilowday, isla markaana dhamaystay.

Yaa haystay rikoodhka uu barbarreeyey Maguire?

Kaliya hal ciyaartoy oo gudaha ka ciyaara (Kuma jiro goolhayuhu) ayaa dhamaystay kulamo xidhiidh ah oo ka badan inta uu Maguire u ciyaaray Manchester United, waxaanu ahaa difaacii reer England ee Gary Pallister.

Muddadii u dhaxaysay November 1993 iillaa May 1995 ayuu Gary Pallister si cidhiidh ah ugu ciyaaray Manchester United, waxaanu waqtigaas kula guuleystay laba horyaal oo Premier League.

Maguire wuxuu ku dhow yahay rikoodh kale

Maguire ayaa la siiyey kaadh digniin ah qaybtii labaad ee kulankii Leeds ee xalay kaddib markii uu qalad ku galay Tyler Roberts. Waa kaadhkii 10aad ee digniin ah ee la siiyo Maguire xilli ciyaareedkan isagoo dheelaya horyaalka Premier League, taas oo ka dhigaysa ciyaartoygii saddexaad ee kaadhadhkii ugu badnaa  qaatay hal xilli ciyaareed gudaheed.

Steve Bruce iyo Luke Shaw oo min 11 kaadh qaatay oo kaliya ayaa ka badan, waxaana haddii kulamada soo socda uu qaato kaadhadh kale, uu noqon doonaa ciyaartoygii ugu kaadhka badnaa taariikhda Man United hal xilli ciyaareed gudaheed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More