Harry Kane Oo Kusii Jeeda Spain, Man United Oo

Suuqa iibka ciyaartoyda ayaa furmi doona bisha June ee sannadka, waxaana markaas ay kooxuhu bilaabi doonaan inay sameeyaan saxeexyo ay isku xoojiyaan, kuwaas oo la filayo inay ku jiri doonaan xiddigo waaweyn oo si bilaash ah ugu kala wareegi doona naadiyada waaweyn.

- Advertisement -

Laakiin inta ka horreysa ayay naadiyada Yurub ku hawlan yihiin inay xod-xodasho iyo wada-hadallo lasii galaan ciyaartoyda ay doonayaan inay lasoo saxeexdaan, si ay ugu qanciyaan in ay xagaaga kusoo biiraan.

Wargeysyada waaweyn ee Ingiriiska oo wax ka qoray dhaq-dhaqaaqyadii ugu dambeeyey suuqa iibka ciyaartoyda, ayaanu idiinka isha soo marinay, waxaananu halkan idiinku soo gudbinaynaa qodobbadii ugu waaweynaa maanta oo Arbaco ah:

Real Madrid ayaa ka fiirsanaysa in ay u dhaqaaqdo weeraryahanka Tottenham ee Harry Kane oo 27 jir ah. (SER Deportivo)

Arsenal waxay culayskeeda iskugu geynaysaa sidii ay ula soo saxeexan lahayd difaac reer Argentina ee Guido Rodriguez oo ah 26 jir u ciyaara Real Betis. (Mundo Deportivo)

Manchester City waxay wada-hadallo kula jirtaa kooxda reer Brazil ee Fluminense oo ay ka doonayso weeraryahanka Kayky oo ah 17 jir ay dul dhigeen lacag dhan £21.5 milyan oo Gini. (Sun)

Manchester United waxay ku raad-joogtaa difaaca Sevilla ee Jules Kounde oo 22 jir ah iyo Pau Torres oo ah 24 jir u ciyaara Villarreal. (90 min)

United waxa kale oo ay doonaysaa goolhayaha Tottenham ee Hugo Lloris oo 34 jir ah, si uu ugu beddelo David de Gea, halka Spurs ay doonayso in ay lasoo saxeexato goolhayaha reer France ee Mike Maignan oo ah 25 jir u ciyaara Lille. (L’Equipe)

Liverpool, Juventus iyo Roma ayaa la socda xaaladda difaaca Real Madrid ee Nacho, iyadoo 31 jirkan reer Spain uu galay sannadkiisii ugu dambeeyey ee qandaraaska uu kula jiro Los Blancos. (AS)

Tababaraha Everton ee Carlo Ancelotti wuxuu doonayaa inuu lasoo saxeexdo difaaca Napoli iyo xulka qaranka Senegal ee Kalidou Koulibaly oo 29 jir ah. (TalkSport)

Cristiano Ronaldo oo 36 jir ah, waxa uu doonayaa inuu ka tago Juventus haddii uu dalab ka helo kooxdiisii hore ee Real Madrid. (Marca)

Denis Zakaria oo ah 24 jir u dhashay Switzerland waxa uu soo jiitay indhaha kooxda Manchester City oo doonaysa in ay ku beddesho booska Fernandinho oo ka tegaya xagaagan. Laacibkan ayaa khadka dhexe uga ciyaara Borussia Monchengladbach. (Sky Sports)

Bayern Munich waxay wada-hadallo kula jirtaa garabka weerarka iyo difaac midig ee Real Madrid ee Lucas Vazquez oo ah 29 jir uu qandaraaskiisa Santiago Bernabeu ku eg yahay bisha June ee foodda inagu soo haysa. (AS)

Difaacii hore ee Real Madrid ee Fernando Hierro ayaa rajaynaya in kabtan Sergio Ramos oo 34 jir ah uu heshiiska u kordhiyo Los Blancos oo uu ciyaaraha kaga fadhiisan doono. (Marca)

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More