Harry Kane Oo Afka Furtay Kaddib Caydhintii Mourinho – Muxuu Ka Yidhi

Kabtanka kooxda Tottenham ee Harry Kane ayaa ka hadlay shaqo ka caydhintii ay kooxdiisu maanta ku samaysay tababare Jose Mourinho.

Kane oo laba gool dhaliyey kulankii Jimcihii ay kooxdiisu barbarraha 2-2 la gashay Everton oo ay ugu tageen Goodison Park ka hor intii aanu dhaawac ku bixin, ayaa waxa uu ka falceliyey go’aanka ay kooxdiisu maanta qaadatay ee ay shaqada kaga eriday Jose Mourinho.

Tababaraha reer Portugal ayaa warar soo baxay oo xan ah ay sheegayaan in shaqada looga eryey kaddib markii uu kasoo horjeedsaday tartanka European Super League oo Tottenham ay ka mid tahay kooxaha hormoodka u ah in la sameeyo tartankan, laakiin arrinta xaqiiqada ah ayaa waxay tahay in kooxdu ay saluugtay natiijooyinka liita ee garoomada ay ka keenayaan, haddana ay kaalinta lixaad ku jiraan.

Saddex saacadood kaddib markii ay Tottenham shaacisay in ay Jose Mourinho ka caydhisay shaqada, Harry Kane ayaa noqday ciyaartoygii ugu horreeyey ee ka hadlay.

Qoraal uu ku daabacay bartiisa Twitterka ayuu Harry Kane ugu mahad celiyey tababarihiisii la caydhiyey, waxaana uu u sheegay in ay farxad u ahayd in uu la shaqeeyey, isagoo wanaagna u rajeeyey qaybta dhiman ee  noloshiisa.

“Waad ku mahadsan tahay wax kasta, tababare. Farxad ayay ii ahayd in aynu wada shaqaynay. Waxa aan kuu rajaynayaa wanaag oo dhan cutubkaaga xiga.”

Your browser does not support the audio element.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More