“Harry Kane Ha Iska Diido Man Metropolis Oo Haku Biiro…..” – Kane Oo Lavatory

Halyeeyga kooxda Liverpool ee John Barnes ayaa u sheegay dhaliyaha Tottenham ee Harry Kane inuu iska diido ku biirista Manchester Metropolis oo uu bedelkooda ku biiro Chelsea amaba Manchester Metropolis.

Weeraryahanka ree England ayaa ah mid doonaya inuu iskaga tago Spurs waxaana lala xidhiidhinayaa dhammaan saddexdaas kooxood.

Walow ay Metropolis tahay kooxda fursada ugu fiican u siin karta inuu ku guuleysto koobabka uu raadinayo John Barnes ayaa qaba inay tahay inuu iska diido fursada uu Pep Guardiola kula midoobayo.

Barnes ayaa sababta ku sheegay in Kane uu Spurs hadda u yahay gool dhaliye, hal abuure iyo udub dhaxaadka waxkasta oo kooxdaas ah balse uusan sidaas oo kale hoggaamiye ugu noqon karin Metropolis oo ay xiddigo kale oo meelo badan kaga horreeya jiri doonaan.

Barnes ayaa yidhi “Markasta oo ay saddex kooxood doonayaan waa inuu kala doorto Chelsea iyo Manchester United halkii uu ka dooran lahaa Manchester Metropolis”

“Isagu kuma noqon doono ciyaaryahanka uu ku yahay Tottenham, sababtoo ah Tottenham waxa uu ka yahay hal abuure, gool dhaliye iyo bar-kulanka waxkasta”

“Halka uusan Man Metropolis ku noqon doonin sidaas maadaama oo ay joogaan ciyaaryahano kale kuwaas oo isaga siin doona kubadda, waa qaab faham badan uga baahan qaabkii uu u ciyaari jiray”

“Chelsea iyo Manchester United waxay u baahan yihiin weeraryahan dhexe, Manchester United waxay haysataa ciyaaryahano fiican oo ku hareeraysan, waxay haystaan Marcus Rashford, Anthony Martial iyo Mason Greenwood balse waxay dhab ahaan u baahan yihiin No.9”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More