Halyeygii Brazil Ee Rivaldo Oo Si Adag U Diiday Sheekada Shawberto

Halyeyga reer Brazil ee Rivaldo ayaa ka hadlay isbarbar-dhigga baryahan dambe socday ee la xidhiidhay difaaca xulka England ee Luke Shaw iyo xiddigii Brazil ee Roberto Carlos.

Shaw oo 25 jir ayaa bandhig fiican ka sameeyey tartanka Euro iyo xilli ciyaareedkii hore ee horyaalka Premier League oo uu ahaa mid si fiican uu si fiican u muuqday, taasina waxay keentay in ciyaartoyda qarankiisu ay ugu yeedhaan ‘Shawberto Carlos’.

Kulankii Croatia oo uu laba kubbadood kasoo dhiibay dhinaca bidix, kaddibna goolal ay u baddeleen ciyaartoyda weerarku, waxa uu markiiba ku mutaystay amaan la gaadhsiiyey heer la barbar-dhigo Roberto Carlos.

Si kastaba, halyeygii Brazil ee Rivaldo oo ay xulka dalkiisa usoo wada ciyaareen Carlos, kuna wada guuleysteen Koobkii Adduunka 2002 ayaa sheegay in ay adag tahay in la isbarbar-dhigo labadan ciyaartoy, balse waxa uu qiray in Shaw uu yahay ciyaartoy degdeg badan oo hore u socda, isla markaana si fiican kubadda uga soo jabiya dhinaca.

Rivaldo oo sannadkii 1999 loo doortay xiddiga adduunka, kuna guuleystay Ballon d’Or, waxa uu sheegay ‘inay caddaalad-darro tahay’ haddii Shaw la barbar-dhigo Roberto Carlos oo sannadkii 1997kii noqday ciyaartoyga labaad ee ugu wanaagsan adduunyada.

Rivaldo ayaa yidhi: “Warbaahinta qaarkeed iyo taageereyaashu waxay bilaabeen inay Luke Shaw barbar-dhigaan Roberto Carlos, laakiin aniga mar walba way igu adag tahay isbarbar-dhigga ciyaartoydu, khaasatan marka aynu ka hadlayno  mid ka mid ah difaacyadii bidix ee ugu wanaagsanaa abid.

“Roberto Carlos wuxuu ahaa ciyaartoygii labaad ee ugu fiicnaa adduunka oo dhan sannadkii 1997kii, markaa waa caddaalad-darro in cid kale la barbar-dhigo, balse waxa aan odhan karayaa Shaw shaqo fiican ayuu u qabanayaa xulka England.

“Waa ciyaartoy orod badan oo si xooggan hore ugu socda, si fiicanna kubadda uga soo jabiya dhinaca, markaa waxa uu noqon karaa difaac bidix oo dhamaystiran oo awood u leh inuu booskaas ka qabto shaqooyinka muhiimka ah.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More