Halkay Isla Marayaan Mashiinkii Arsenal Ee Alex Tune & Horyaalka
Xiddigii hore ee khadka dhexe ee kooxaha Arsenal, Barcelona iyo West Ham United ee Alex Tune ayaa u muuqda mid si weyn ugu raaxaysanaya markale waayihiisa ciyaareed isaga oo hadda ku sugan dalka Jabuuti oo uu horyaalkiisa ka ciyaarayo.
Alex Tune ayaan marnaba horyaalka Premier League kula soo guuleysan Arsenal walow uu sanado kooban qaab fiican uga ciyaaray kahor inta uusan koobab la hanan Barcelona oo uu keyd ka ahaa.
33 sano jirkaas kubad bur-buriyaha ah ayaa hadda horyaalka Djibouti Premier League kula guuleystay kooxdiisa Arta Photo voltaic oo uu kaliya lix bilood kahor ku biiray.
Tune ayaa ahaa kabtanka Arta Photo voltaic ee kulankii ay kooxdaasi guusha 4-2 ah ka gaadhay dhigeeda booska labaad ku jirta ee AS Port Jimcihii iyaga oo hantiyay horyaalkii ugu horreeyay ee ay kooxdaasi qaado taariikhda xilli wali laba kulan hadheen.
Tune ayaa isaga oo guushaas kaddib hadlay yidhi xilli uu dareenkiisa cabirayay “Waa hawl-galkii oo la gaadhay aniguna waan ku faraxsanahay, imaatinkaygii halkan marnaba ma ahayn mid sahlan”
Xiddiga ree Cameroon ayaa Arsenal ku biiray sanadkii 2006 balse aan wax koob ah kula soo guuleysan mudadaas, koobkii ugu dhawaa ayaa ahaa League Cup 2010/11 markaas oo laga qaaday.