Halkan Ka Akhriso Jawaabtii Jees-Jeeska Ahayd Ee

Tababaraha xulka qaranka France ee Didies Deschamps ayaa markale si layaab leh uga hadlay arrimaha la xidhiidha weeraryahanka Real Madrid ee Karim Benzema oo uusan mudo lix sano ah uga wici xulkaasi.

Deschamps ayaa dareenkiisa si cad u muujiyay isaga oo tilmaamay in saxafi Kazakh ahi uusan weydiin doonin su’aal la xidhiidha Benzema kaddib guushii 0-2 ka ahayd ee ay dhigooda Kazakhstan kasoo gaadheen Axadii.

Tababare Deschamps ayaa muujiyay dareen cajiib ah kaddib markii uu magaca Benzema maqlay shirkii jaraa’id ee ka dambeeyay kulankaas isreeb-reebka koobka aduunka ka tirsanaa.

“Maya, ma xataa halkan?, su’aashii hore ayaynu kusoo gabo-gabayn karnaa shirka” ayuu qaab kaftan iyo dhoola-caddeys ka muuqdo ugu jawaabay Deschamps oo qarsan kari waayay sida uu ula yaabay in su’aashaas laga weydiiyo Benzema isaga oo Kazakhstan jooga.

“Waan hubaa inuu qof kuu sheegay inaad su’aashan i weydiiso, hubaal waxa kuu sheegay saxafi French ah” ayuu ku yidhi tababare Didies Deschamps saxafigii su’aasha weydiiyay.

Intaas kaddib Didier oo u muuqda mid si xirfad leh uga hor tagay inuu su’aashaas ka jawaabo ayaa u mahad celiyay saxaafada su’aalaha weydiinaysay kana baxay qolka.

Benzema ayaan looga wicin xulka qaranka Franca tan iyo markii uu ku lug yeeshay arrintii fadeexada ahayd ee galmada la xidhiidhay ee lagu bahdilayay saaxiibkiisii hore ee xulka ee Mathieu Valbuena.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More