Hadiyadihii Qaaliga Ahaa E Uu Sergio Aguero U Iibiyay Shaqaalaha Man

Sergio Aguero ayaa qarashgareeyay lacag gaareysa 60 kun ginni isagoo mid kasta oo ka mid ah shaqaalaha tababarka Manchester City u iibiyay saacad halka uu sidoo kale gaarigiisa cusub u hadiyeeyay iyagoo ku tartamaya.

Halyeeyga reer Argentina oo 32 sanno jir ah ayaa ka tagay Etihad isagoo si xor ah ugu biiray Barcelona ka dib markii uu heshiis shaqsi ah la gaaray islamarkaana uu tijaabada caafimaadka ku maray Camp Nou.

Laakiin Aguero ayaa hadiyado qaali ah siiyay 60 ka mid ah shaqaalaha Manchester City ka dib toban sannadood uu kooxda joogay.

Sida ay sheegtay The Athletic, halyeeyga Man City ayaa saacada Heuer of Hublot u iibiyay shaqaalaha kooxda iyadoo saacadaha ugu qaalisan uu ka bixiyay qiimo gaaraya 1,650 ginni.

Saacad walba waxaa lagu xardhay ereyada: “Mahadsanid! Kun Aguero.”

Weeraryahanka ayaa sidoo kale shaqaale walba oo ka mid ah wuxuu ka qeyb geliyay tartan baqtiyaa nasiib ah oo lagu guuleysanayo gaarigiisa cusub ee Range Rover Evoque.

Waxaa la sheegay in ka mid ah shaqaalaha Man City ee uu ugu jeclaa Aguero inuu ku guuleystay gaariga, waana nin ka mid ah shaqaalaha habeeya maaliyadaha.

Xiddiga reer Argentina ayaa sidoo kale la sheegay inuu lacago kale oo hadiyad ah ku darsaday hadiyadaha la siinayo shaqaalaha dhamaadka sannadkan marka la gaaro ciida gaalada.

Aguero ayaa si rasmi ah u noqday ciyaaryahan Barcelona ah maalintii Isniinta kaliya 48 saacadood ka dib markii ay guuldarro finalka Champions League ah ka soo gaartay Chelsea.

Weeraryahanka ayaa qalinka ku duugay heshiis labo sannadood ah oo lagu burburin karo 86 milyan ginni isagoo ka garab ciyaaraya Lionel Messi.