Haaland oo heli kara lambarka maaliyada Chelsea hadii ay Granovskaia ogolaato

Frank Lampard ayaa la sheegay inuu doonayo mashiinka goolasha ee kooxda Borussia Dortmund Erling Haaland xagaaga dambe.

Xiddiga reer Norway oo si xoogan loola xiriirinayay inuu u dhaqaaqayo Manchester United xagaagii lasoo dhaafay kaliya 17 milyan ginni, ayaa lala xiriirinayay inuu u dhaqaaqayo Borussia Dortmund.

Dhawaan ayaa la shaaciyay in heshiiska Erling Haaland ee kooxda Borussia Dortmund lagu burburin karo aduun dhan 68 milyan oo euro, heshiiskaasna wuxuu shaqeyn doonaa oo kaliya ilaa 2022.

Laakiin intaas ka hor, kooxda reer Jarmal ayaa heli doonta dalabyo badan oo u badan kooxaha Premier League oo ay hogaamiso kooxda chelsea.

Kooxda Blues oo sanadkan qarashgareysay 250 milyan oo ginni ayaa ah inay iska iibiso qaar ka mid ah ciyaartoydooda ka hor inta aysan isku dayin inay hesho ciyaartoy kale waxaana Lampard lagu soo waramayaa inuu calaamadeystay seddex ka mid ah ciyaartoydooda inay iibinayaan

Callum Hudson-Odoi, oo aan boos joogto ah ka haysan Chelsea isla markaana ciyaaray kaliya shan kulan oo Premier League ah xilli ciyaareedkan, ayaa ka mid ah bartilmaameedyada sarre ee suuqa kala iibsiga Lampard si uu lacag ugu helo Erling Haaland.

Waxaa doonaya Bayern Munich, wararka ayaana tilmaamaya in Blues ay haatan diyaar tahay.

Bartilmaameedka labaad ee Chelsea ee suuqa kala iibsiga waa goolhayaha reer Spain Kepa Arrizabalaga, kaasoo ay Blues ka bixisay 72 milyan ginni, laakiin ka dib markii ay ku guuldareysteen Premier League, waxay la soo wareegeen Edouard Mendy.

Ciyaaryahanka ugu layaabka badan liiskaan waa ciyaaryahanka khadka dhexe ee kooxda Chelsea N’Golo Kante, kaasoo aan la saadaalin karin kooxda hadii uu baxo.

Ninka Faransiiska ah ayaa la sheegay inuu qorsheynayo inuu keeno Declan Rice bisha Janaayo ama xagaaga, intaas ka dib waxay ogolaadeen inay iska iibiyaan Kante si ay u helaan lacag dheeri ah.

Si kastaba ha noqotee, abaalmarinta Chelsea ee Erling Haaland lama shaacin, laakiin qorshayaal ayaa socda si tallaabo horay loogu qaado.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More