GO’AAN La Sugayay: Kylian Mbappe Oo Go’aankiisa U Sheegay PSG, Haddii

Kooxaha Real Madrid iyo Paris Saint-Germain ayay warar cusubi sheegayaan inay wadahadalo adag oo ku saabsan mustaqbalka Kylian Mbappe geli doonaan gudaha toddobaadkan.

Dhaliyaha French-ka ah ayaa galay xilli ciyaareedkiisii ugu dambeeyay ee heshiiskiisa PSG, kooxdaas ayaan awoodin inay ku qanciso inuu saxeexo heshiis dhaafsiisan midkiisa haatan ee June 2022 ku eeg.

Sida uu sheegayo muuq-baahiyaha ree Spain ee El Chiringuito, PSG ayaa iska dhiibtay dagaalkii ay ugu jirtay inay sii haysato Mbappe isla markaana rajaynaysa inay wadahadalo ka gasho heshiis ay ku iibinayso.

Warbixinta El-Chiringuito ayaa intaas ku daraysa in Paris ay xataa qorshaynayso inay Mbappe bedel uga dhigto hoggaamiyaha Juventus ee Cristiano Ronaldo taas oo ka dhigan inay doonayaan midaynta Ronaldo iyo Lionel Messi oo ay dhawaan la saxeexdeen.

Mbappe oo shalay kulan la yeeshay maamulka Paris oo uu ugu horreeyo madaxweyne Nasser El Khelaifi ayaa kooxda si cad ugu sheegay inuusan kordhinayn heshiiska uu kula joogo hadda.

Kooxda Parisian-ka ah ayaa markasta sheegaysay inay doonayso oo ay awoodo sii haysashada Mbappe xataa kaddib saxeexa Messi oo lacago badani kaga baxayaan.

Mbappe oo 133 gool kusoo dhaliyay 173 kulan oo kaliya oo uu PSG u ciyaaray ayaa hore u muujiyay rabitaankiisa ah inuu ku biiro Real Madrid.

Iyadoo lagu wado in El Khelaifi uu u socdaali doono magaalada Madrid ayay Paris hore ugu sheegtay Los Blancos inay ugu yaraan 85 Milyan oo pound la shir yimaadaan haddii ay doonayaan saxeexa Mbappe.

Walow heshiiskiisa uu hal sano oo kaliyi ka hadhay ayay haddana xaqiiqada ah in Mbappe 85 Milyan oo pound lagu helaa noqonaysaa qiime cajiib ah oo aad u jaban.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More