GO’AAN: Real Madrid Oo Go’aan Cad Ka Qaadatay

Kabtanka xulka qaranka Norway ee Martin Odegaard ayaa kamid ah xiddigaha muddooyinkan ugu dambeeyay inta ugu badan laga hadlayay mustaqbalkooda waxaana haatan warkale kasoo baxay halka uu ku dambaynayo xilli ciyaareedka.

Martin ayaa ahaa mid amaan badan loogu qubeeyay tan iyo markii uu Arsenal u wareegay iyadoo bandhigiisii kulankii ugu dambeeyay ee ay bar-bardhaca 3-3 ah lasoo galeen West Ham United uu ahaa mid cajiib ah.

Laakiin sida uu hadda sheegayo wargeyska Marca, rajadii Arsenal ee ahayd inay xilli ciyaareedka wax dhaafsan sii haysato Odegaard ayaa noqotay mid dhib weyni ku timid iyadoo wargeysku sheegayo in Real Madrid aysan xataa marnaba ku fikirin in xiddigaasi gacanteeda ka baxo.

Warbixinta ayaa sheegaysa in Real Madrid ay u aragto Martin Odegaard mid mustaqbal weyn ku leh kooxdeeda kana mid ah mashruuceeda mustaqbalka walow uu ahaa mid wakhti ciyaareedku uu ku yar yahay xilligiisii Madrid.

Marka laga yimaado rabitaanka Real Madrid, Marca ayaa sidoo kale sheegay war naxdin ku ah Arsenal oo ah in Odegaard ay wali ka go’antahay inuu ku najaxo Real.

Si kastaba, kahor inta uusan laaban Odegaard ayaa doonaya in loo kala caddeeyo xaalada tababarenimo ee kooxdaas iyo shaqsiga noqonaya tababaraha kooxda xilli ciyaareedka dambe iyadoo calaamad su’aal saarantahay mustaqbalka tababare Zinadine Zidane.

Laakiin haatan Odegaard oo fursad ciyaareed joogto ah kula raaxaysanaya Arsenal ayaa doonaya kaliya inuu xilli ciyaareedkan qaab heer sarre ah kula dhammaysto kooxdaas.

Walow uu xilli ciyaareedkani ku yahay mid gaabis ah oo ay liitaan markale, Arsenal ayaa ku rajo weyn ku guuleysiga UEFA Europa League oo ay usoo mari karaan ka qayb galka Champions League.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More