Gary Neville Oo Bedelay Saadaashiisa Kooxda Hanan Doonta

Daaficii hore ee Manchester United Gary Neville ayaa bedelay saadaashiisa hanashada horyaalka Premier League iyadoo kaliya seddex kulan la ciyaaray xilli ciyaareedka cusub.

Kooxda difaacaneysa horyaalka ee Liverpool, Everton iyo Leicester City ayaa dhamaantood wada badiyay seddexdii kulan ee la ciyaaray.

Kooxdii sannadkii hore gashay kaalinta labaad ee Manchester City ayaa ku bilaabatay xilli ciyaareed guul laakiin waxay guuldarro ceeb ah ka soo gaartay Leicester City oo uga badisay 5-2.

Neville ayaa saadaaliyay ka hor bilowgii xilli ciyaareedkan in Manchester City ay ku guuleysan doonto horyaalka Premier League, laakiin waxa uu sheegay inuu durbaba bedelay maankiisa isagoo haatan u arka in Liverpool ay ugu cadcadahay hanashada horyaalka.

Kooxda Jurgen Klopp ayaa ka badisay Leeds United, Chelsea iyo Arsenal seddexdii kulan ee ugu horeysay ee ay ku difaacanayaan horyaalka, iyadoo Neville uu sheegay in Liverpool ay wacdarro dhigtay kulankii ay xalay 3-1 kaga badiyeen kooxda Gunners.

Isagoo ka hadlayay barnaamijkiisa Gary Neville Podcast, halyeeyga Man United ayaa yiri: “Waxaan doortay Manchester City ka hor bilowgii xilli ciyaareedka, markii nala weydiiyay saadaasheena, waxaana ku saleeyay inay jawaab celin ka bixin doonaan wixii dhacay xilli ciyaareedkii hore.

“Waxaan u maleynayay inay wax badan ka sameyn doonaan suuqa kala iibsiga, laakiin waxaan haatan taaganahay boos ah inaan saadaasheyda bedelo iyadoo kaliya seddex kulan la ciyaaray.

“Uma bedelin saadaasheyda wixii dhacay Axadii. Waxaan joogay Axadii Etihad Stadium waxaana daawaday Leicester oo 5-2 ku garaceysa City, laakiin waxaan saadaasheyda bedelay markii aan daawaday Liverpool. Xitaa kulankoodii ugu horeysay ee Leeds oo aheyd ciyaar waali ah oo ay dad badan u arkayeen in Liverpool aysan sidii hore aheyn.

“Waxay la soo saxiixdeen labo ciyaaryahan ka dib kulankaas, waxay ka dib aadeen Stamford Bridge si ay u wajahaan Chelsea, waana ay ka soo badiyeen.

“Ka dib waxay gurigooda ku qaabileen Arsenal oo ah mid ka mid ah kooxaha waa weyn hadana waa ay badiyeen”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More