Gaey Neville Oo Arsenal Ku Tilmaamay Maafiyo Yar Iyo Mikel Arteta Ka

Waxaa sarre u kacay dadka dhaleeceynaya Arsenal laakiin tababare Mikel Arteta ayaa u sheegay ciyaartoydiisa inay afkooda qabsadaan oo ay garoonka dhexdiisa ku soo bandhigaan wixii jawaab ah.

Khabiirada Gary Neville, Jamie Carragher iyo xiddigii hore ee Arsenal Emmanuel Petit ayaa ka mid ahaa dadkii dhulka la dhacay Gunners ka dib guuldaradii 3-0 ee ka soo gaartay Liverpool.

Neville ayaa ciyaartoyda Arsenal ku tilmaamay maafiyo yar isagoo sheegay inay u ciyaareen sida inuusan xiriir kala dhaxeynin tababarahooda.

Carragher ayaa isna si gaar ah u far muuqay kabtanka kooxda Pierre-Emerick Aubameyang, halka Petit uu sheegay inay kooxdiisa hore noqotay koox iska meel dhexaad ah.

Arteta ayaa yiri: “Ka dib qaab ciyaareedkeenii kulankii Liverpool, waa inaan aamusnaa, waana inaan qaab ciyaareed fiican soo bandhignaa. Waa waxa kaliya ee inaan banaan inaan sameyno.

“Lama joogo waqtigii aan jawaabi laheyn, waa waqtigii aan garoonka dhexdiisa ku hadli laheyn islamarkaana aan soo bandhigi laheyn waxa aan sameyn karno”

Europa League ayaa ah sida kaliya ee ayArsenal ugu soo bixi karto Champions League xilli ciyaareedka danbe, iyadoo Arteta uu sheegay in guuldaradii ka soo gaartay Liverpool inay hurdada ka kicisay kooxdiisa.

“Amakaak ayay nagu aheyd wixii nagu dhacay kulankii Liverpool” ayuu Arteta yiri ka hor kulanka Slavia Prague ay caawa la ciyaarayaan.

“Mararka qaar waxaad u baahan tahay feer ama dharbaaxo in wajiga ay kaaga dhacdo si aad hurdada uga toosto.”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More