Frank Lampard Oo Ka Hadlay Thomas Tuchel Iyo Guushii Chelsea Ee

Frank Lampard ayaa qirtay inuu shucuur isku dhafan ka muujiyey guushii Chelsea ee Champions League, waxaanu ku dooday inuu ka ‘cago-jiiday’ inuu sheegto guushii Thomas Tuchel ee Stamford Bridge.

Lampard oo shaqada laga caydhiyey bishii January iyadoo Chelsea ku jirta kaalinta sagaalaad ee horyaalka Premier League, ayaa lagu beddelay Tuchel oo markiiba saamayn degdeg ah ku yeeshay kooxda, isla markaana u qaaday Champions League, sidoo kalena keenay kaalinta afraad ee horyaalka Premier League.

Frank ayaa amaanay guushii weynayd ee Chelsea ay ka gaadhay Champions League, waxaana uu qiray in Thomas Tuchel uu qabtay shaqo cajiib ah.

Isagoo ka hadlayay telefishanka BBC oo uu falanqeeye ka ahaa kulankii England iyo Croatia ayaa yidhi: “Dabcan marnaba ma doonaysid inaad lumiso shaqadaada, waxa aan qayb wanaagsan ka ahaa shirkadda Chelsea, wayse dhacdaa waana xaqiiqada adag ee kubadda cagta.”

Waxa uu Lampard ka warramay waqtigii uu Chelsea kusoo beegmay, waxaanu yidhi: “Waan ku faraxsanahay shaqada aan qabtay, sharaf ayaanay ii tahay inaan maamulay kooxda. Waxa aan imid waqti adag oo laga mamnuucay suuqa iibka, Eden Hazard na ka tegay.

“Si adag ayaanu u shaqaynay sannadkii hore si aanu usoo galno Champions League, waxaananu soo saarnay ciyaartoyda yaryar sida Mason Mount, taas oo wax weyn ii ahayd. Waxa aan ku faraxsanahay khibradda  weyn ee aan ka helay.”

Mar la weydiiyey haddii ay ahayd inuu shaqada qaab kale u qabto, waxa uu yidhi: “Waan fadhiisan karaa oo ka hadli karaa waxyaabo badan, shaqada tababaraha ayaana taas ah, waxaana jira waxyaabo badan oo si ka duwan aad u qaban karaysid.

Mar la weydiiyey haddii uu dareen isku dhafan ka muujiyey guushii Chelsea ee Champions League, waxa uu ku jawaabay: “Haa, waxa aad ka shaqaysaa inaad qabato wax si aad halkaa usii joogto, waxa aad doonaysaa  inaad ahaato tababare.

“Anigu waxaan ka mid ahaa aasaaskii hore, laakiin Thomas ayaa qabtay shaqada cajiibka ah. Waxa aan ku odhan doonaa marka aan arko; marka u horreysa waxa aan ahay qof Chelsea ka tirsan, taageereyaasha Chelsea ay ku faraxsan yihiin, kooxduna way u qalantaa.

“Marka labaad, inaan arko Mount iyo Reece James bandhigga heerkaas ah ee ay sameeyeen, iyo dadka sida Edouard Mendy, Ben Chilwell iyo Thiago Silva oo yimid waqtigaygii, farxad ayay isiinaysaa.”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More