Fari Kama Qodna!! – SADDEXDA Xiddig Ee Kale Ee Ay Doonayso Man United

Sida ay sheegayaan xogihii ugu dambeeyay, Manchester United ayaa qorshaynaysa xagaa ay suuqa si fiican uga adeegato waxaana ay haatan bar-tilmaameed ka dhiganaysaa Declan Rice (West Ham United), Harry Kane (Tottenham Hotspurs) iyo Pau Torres (Villarreal).

Man United ayaa xilli horeba dhammaystirtay saxeexa Jadon Sancho oo kaga yimid dhinaca Borussia Dortmund heshiis 72.9 Milyan pound ah isla markaana uu ku saxeexayo qandaraas shan sano ah oo lagu daray sanadka lixaad oo dookh ah.

Tababare Ole Gunnar Solskjaer ayaa doonaya inuu dhiso koox horyaalka Premier League kula dagaalanta dhigeeda Manchester City oo ay 12 dhibcood ka dambeeyeen xilli ciyaareedkii dhammaaday.

Sida uu sheegayo warsidaha The Guardian, Red Devils ayaa doonaya saxeexyada daafac dhexe, khad dhexe oo bur-buriye ah iyo weeraryahan waxaana ay u kala doorteen Harry Kane, Rice iyo Torres.

Warbixinta ayaa sidoo kale sheegaysa in Manchester ay wali doonayso saxeexa daafaca midig ee Atletico Madrid ee Kieran Trippier halka ay xiisaha Man City ee Harry Kane iyo lacagta badan ee ay United ku bixisay Sancho ay shaki gelinayso fursada ay Kane ku heli karaan.

Kane ayay xilli horeba dalab 100 Milyan oo pound iyo ciyaartoy ah ka gudbisay Man City kaddib markii uu u sheegay Spurs rabitaankiisa ah inuu baxo xagaagan.

Laakiin Tottenham oo dhawaan tababare u magacawday Nuno Espirito Santo ayaa sheegtay in 27 sano jirkeedaasi uusan iib ahayn haddii aan 150 Milyan oo pound laga soo dhiibin.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More