Falanqeynta kulanka Fulham iyo Man Metropolis
Manchester City ayaa rajeyneysa inay sii dheereysato hoggaanka horyaalka iyagoo leh 17 dhibcood haddii ay ka adkaadaan Fulham kulan ka dhacay London.
City, oo laga badiyay kaliya hal kulan 13kii kulan ee ugu danbeysay ee Premier League ee ay la ciyaareen Fulham, ayaa ku jirta koox xoogan oo uu hogaaminayo weeraryahanka reer Argentina Sergio Aguero.
Pep Guardiola ayaa ku soo bilaabay Sergio Aguero iyo Gabriel Jesus markii ugu horaysay muddo dheer, wuxuuna khadka dhexe ka caawiyay Ferran Torres, Bernardo Silva iyo Rodrigyo.
Difaac ahaan, Dias iyo Stone waxaa ku wehliya Mendy iyo Laporte, halka khadka dhexe uu ka ciyaarayo Joao Cancelo.
Pep ayaa nasasiiyay ciyaartoy muhiim ah sida Phil Foden, Riyad Mahres, Fernandinho, Kevin de Bruyne, Ilkay Gundogan iyo Kyle Walker oo keydka fadhiyay.
Jaantusyada rasmiga ah ee labada koox
Safka Man City: Ederson, Mendy, Dias, Stones, Laporte, Cancelo, Rodrigo, Silva, Torres, Jesus, Aguero
Kaydka: Steffen, Walker, Gundogan, Zinchenko, De Bruyne, Fernandinho, Mahrez, Foden, Garcia
FULHAM XI: Areola, Tete, Andersen, Adarabioyo, Aina, Lemina, Reed, Anguissa, Loftus-Cheek, Cavaleiro, Lookman
Kaydka: Fabri, Hector, Mitrovic, Ream, Bryan, Onomah, Maja, Kongolo, Robinson