England Oo Laga Reebay Koobka UEFA Nations League Ka Dib
Rajadii xulka England ee inay u soo baxaan ciyaaraha kama danbeysta ee koobka UEFA Nations League ayaa soo dhamaatay iyadoo xulka Gareth Southgate ay guuldarro 2-0 ka soo gaartay xulka Belgium.
Xulka Three Lions ayaa ogsaanaa inay qasab ku tahay inay seddexda dhibcood ka qaataan xulka kaalinta 1aad ee dunida si ay u sii nooleeyaan rajadooda tartankaa, laakiin guuldaradii soo gaartay caawa ayaa taasi meesha ka saartay.
Kaliya 10 daqiiqo ayay ku qaadatay Belgium inay hogaanka u qabtaan ciyaarta iyagoo ka faa’ideystay baas uu qalday Eric Dier.
Romelu Lukaku ayaa quudiyay Youri Tielemens iyadoo xiddiga khadka dhexe ee Leicester City uu kubada shabaqa ku hubsaday inkastoo ay qof kale ku sii dhacday.
Dries Mertens ayaa dhaliyay goolkii labaad ee Belgium kaasoo si cajiib ah ku dhashay, inkastoo shaki uu ku jiray laadkii xorta ee loo dhigay weeraryahanka Napoli kaasoo ka dhaliyay laadka xorta goolhaye Jordan Pickford.
Southgate ayaa Harry Winks soo geliyay isagoo ku bedelay Jordan Henderson waqtigii nasashada si uu wax uga bedelo qaabka ciyaarya, taasoo keentay in England ay la wareegto koontaroolka ciyaarta.
Dominic Calvert-Lewin iyo Jadon Sancho ayaa iyagana la soo geliyay laakiin Belgium waa ay difaacatay natiijadeeda.
Kulankaan waa kulankii 10aad ee laga badiyay xulka England 48 kulan uu tababare u ahaa Gareth Southgate taasoo ka dhigeysa tababarihii ugu horeeyay ee laga badiyay 10 kulan isagoo hogaaminaya England tan iyo Sven-Goran Eriksson oo laga badiyay 10 kulan 67 kulan oo tababare u ahaa.