England Oo Garaacday Xulka Ugu Fiican Dunida, Mason Mount Oo

England ayaa guul ka gaartay xulka ugu fiican dunida ee Belgium ka dib markii ay 2-1 ku garaaceen kulan xiiso leh oo labada kooxood ku dhexmaray Wembley kaasoo qeyb ka ahaa tartanka UEFA Nations League.

Belgium oo kaalinta 1aad kaga jira qiimeynta xulalka adduunka ee FIFA ayaa goolka ku hormartay ka dib rigoore uu u saxiixay Lukaku laakiin rigoore uu dhaliyay Rashford iyo gool uu saxiixay Mason Mounto ayay England ku garaaceen Belgium.

England ayaa League A Group-kiisa 2aad waxay ku hogaaminayaan 7 dhibcood halka Belgium ay ku jiraan kaalinta labaad iyagoo leh 6 dhibcood, Denmark oo caawa la ciyaareysa Iceland ayaa leh 1 dhibic halka Iceland ay ugu hooseyso iyagoo aan wax dhibic ah laheyn.

Kulankaan ayaa ahaa mid indhaha lagu sii hayay iyadoo labada tababare ay la soo shirtageen shax adag, xulka England ayaana si fiican ku bilowday ciyaarta laakiin durbadiiba waxaa kubada kala wareegtay xulka Belgium.

England ayaa waxaa soo martay toban daqiiqo oo ay isku dhex yaaceen iyadoo xulka Belgium gool laga diiday balse rigoore ayaa loo dhigay markii Eric Dier uu qalad ku galay Lukaku, weeraryahanka Inter Milan ayaana u soo istaagay rigoorada isagoo gool u sarifay.

Laakiin xulka martida loo yahay ee Englad ayaa helay fursad ay ku barbareeyaan ciyaarta markii uu Meunier qalad ku galay Henderson taasoo keentay in garsooraha Jarmalka uu rigoore tilmaamo.

Waxaa rigoorada u soo istaagay weeraryahanka Manchester United Marcus Rashford kaasoo gool u sarifay islamarkaana ciyaarta ka dhigay barbaro 1-1 ah.

Inkastoo England ay boqolkiiba 80 heysatay kubada 10kii daqiiqo ee ugu horeysay hadana qeybtii hore waxaa ciyaarta laheyd xulka Belgium iyadoo Lukaku uu ku noqday laf dhuun gashay.

Laakiin qeybtii labaad ayay si nasiib ah xulka Three Lions hogaanka ku qabteen gaar ahaan daqiiqadii 64aad. Trippier ayaa madaxeeyay karoos ka yimid Trent Alexander-Arnold iyadoo kubada ay u tagtay Mason Mount kaasoo darbo ku tuuray goolka, waxay kubada ku dhacday Alderweireld ka hor inta aysan shabaqa gelin.

Goolka Mason Mount ayay xulka England kaga badiyeen xulka dunida ugu fiican ee Belgium oo kaalinta 1aad kaga jira qiimeynta bilaha ee FIFA.

Dhanka kale xulka Norway ayaa 4-0 ku xasuuqay Romania oo marti u aheyd iyadoo xiddiga Borussia Dortmund Erling Haaland uu dhaliyay seddexleydiisii ugu horeysay ee tartan caalami ah.

Waa seddexleydii lixaad ee laga dhaliyo tartanka UEFA Nations League, waana ciyaaryahankii ugu horeeyay ee seddexleey dhaliya ka dib seddexleydii uu Ronaldo dhaliyo semi-finalkii UEFA Nations League ee xilli ciyaareedkii hore.

Kulamada kale ee UEFA Nations League ee ilaa iyo haatan la ciyaaray xulka Netherlands ayaa wajigabax la kulmay ka dib markii ay barbaro goolal la’aan ah la dhaafi waayeen xulka yare ee Bosnia & Herzogovina.

Croatia waxay 2-1 kaga badisay xulka Sweden.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More