Arsene Wenger Oo Saadaaliyay Haddii Ay Arsenal U Soo Bixi
Arsene Wenger ayaa si ay kalsooni ku jirto ugu taageeray kooxda Arsenal inay ku dhameysan doonto afarta kaalimood ee ugu sareysa xilli ciyaareedkan isagoo sheegay in kooxda Mikel Arteta inay noqon doonto koox ka yaabisa dad badan xilli ciyaareedkan ka dib markii ay si fiican uga soo adeegteen suuqa kala iibsiga.
Arteta oo ku hogaamiyay Arsenal koobka FA Cup iyo kaalinta sideedaad ee horyaalka ka dib amrkii uu shaqada kala wareegay Unai Emery xilli ciyaareedkii la soo dhaafay ayaa xoojiyay daaficiisa iyo khadkiisa dhexe si ay kooxda dib ugu soo laabato Champions League.
Gunners waxay 27 milyan ginni ka soo bixiyeen daafaca dhexe Gabriel Magalhaes bilowgii bishaan halka ay sidoo kale 50 milyan euro ku soo iibsadeen xiddiga khadka dhexe Thomas Partey iyadoo Willian uu si xor ah ku yimid kooxda.
Wenger ayaa saadaaliyay in Arsenal ay ka yaabin doonto dad badan madaama ay suuqa kala iibsiga si fiican uga soo adeegteen isagoo ugu baaqay Arteta inuu ku dheganaado taatikadiisa ka dib markii uu si fiican ku bilowday waayihiisa tababarenimo ee Emirates Stadium.
Markii la weydiiyay haddii uu wax talo ah u hayo Arteta isagoo ka qeyb qaadanayay barnaamij su’aalo iyo jawaabo ah oo ay qabatay The Guardian, Wenger ayaa ku jawaabay:
“Inuu sii wado gacanta birta ah ee uu ku hayo kooxda islamarkaana uusan ka laabanin taatikada uu aaminsan yahay.
“Waxaan qabaa in kooxda ay isbiirit ahaan ay fiican tahay, islamarkaana ay fursad fiican u heystaan inay wax fiican sameeyaan.
“Waxaan aaminsanahay inaysan ku adkaan doonin inay helaan dhibco ka badan intii ay heleen xilli ciyaareedkii la soo dhaafay.
“Laakiin waxaa iga dhaadhacsan in Arsenal ay ka mid noqon karto afarta sarre, haddiiba aysan intaas ka badan sameynin. Maxaa diidaya in wax intaas ka badan ay sameeyaan?
“Waxay noqon karaa kooxda dad badan ka yaabisa sannadkaan. Si fiican ayay wax u soo iibsadeen, waxayna xoojiyeen daafaca. Waxay ceshteen ciyaartoyda muhiimka ah. Waxay heystaan xiddigo muhiim ah mana jirto meel ay ka liitaan”