England Oo Garaacday Xulka Germany Una Gudubtay Wareegga 8da, Xilli Uu

Xulka qaranka England ayaa iska xaadiriyey wareegga siddeedda ee tartanka qaramada Yurub ee Euro, kaddib markii ay 2-0 ku garaaceen Jarmalka oo ay ku wada ciyaareen garoonka Wembley.

England ayaa muujisay awood ciyaareed oo cajiib ah iyadoo uu tababare Southgate sameeyey isbeddello shaki geliyey taageereyaashooda ka hor intii aanay ciyaartu bilaabmin.

Ciyaartan oo ahayd mid adag ayaa goolal la’aan kusoo dhamaatay qaybtii oo labada xul ba ay heleen fursado ay goolal u beddeli karayeen, hase yeeshee daqiiqaddii 75aad ayuu Raheem Sterling beddelay natiijada isagoo dhaliyey goolka koowaad ee Ingiriiska, sidoo kalena ahaa goolkiisa saddexaad ee tartankan iyo sidoo kale goolkii saddexaad ee xulka England ka dhaliyo tartanka Euro.

Harry Kane oo abaar dhinaca goolasha ahi haysay ayaa daqiiqaddii 86aad max ku qabtay kubbad uu dhinaca bidix kasoo qaaday Jack Grealish, waxaanu si fudud u dhaafiyey goolhaye Manuel Neuer.

Xulka Germany oo ciyaartoodu ahayd qaybtii hore ayaa kala daatay markii goolka koowaad laga dhaliyey, halka ay sii burbureen markii goolka labaad ka dhashay.

Shaxdii labada xul

GERMANY (3-4-2-1): Manuel Neuer; Matthias Ginter, Mats Hummels, Antonio Rudiger; Robin Gosens, Leon Goretzka, Toni Kroos, Joshua Kimmich; Kai Havertz, Thomas Muller; Timo Werner.

Kaydka: Ilkay Gundogan, Emre Can, Niklas Sule, Robin Koch, Florian Neuhaus, Bernd Leno, Marcel Halstenberg, Jamal Musiala, Kevin Volland, Kevin Trapp, Leroy Sane, Serge Gnabry.

ENGLAND (3-4-2-1): Jordan Pickford; Kyle Walker, Harry Maguire, John Stones; Kieran Trippier, Declan Rice, Kalvin Phillips, Luke Shaw; Raheem Sterling, Bukayo Saka; Harry Kane.

Kaydka: Marcus Rashford, Aaron Ramsdale, Reece James, Sam Johnstone, Jack Grealish, Jadon Sancho, Jude Bellingham, Phil Foden, Mason Mount, Tyrone Mings, Jordan Henderson, Conor Coady.

Gareth Southgate ayaa shaki badan la geliyey intii aanay ciyaartu bilaabmin, kaddib markii uu shax lama filaan ah kusoo galay, isla markaana ku ciyaaray qaab ka koobnaa 4-2-3-1, isla markaana uu Trippier ka doorbiday Grealish.

Daqiiqaddii shanaad ee bilowga ciyaarta ayay xulka qaranka Germany tijaabiyeen goolhayaha England ee Pickford, waxaana kubbad gantaal ah ku toogtay Gretzka, waxaanu u qabsaday si raaxo leh.

England ayaa kaga jawaabtay kubbad ay isku soo dhiibeen Rice iyo Stones, kaddibna ay usii daayeen Raheem Sterling oo khadka dhexe joogay, kaas oo isaguna masaafo 25 yard ah ka toogtay goolka. Manuel Neuer ayaa kubaddaas dirqi ku badbaadiyey.

Kai Havertz ayaa sameeyey khatartii ugu weynayd ee xulka qaranka Germany ee qaybta hore, waxaana kubbad halis ahayd uu ku toogtay goolka, taas oo uu goolhaye Pickford si dirqi ah kaga dallacay. Kubaddan ayaa ku beegnayd goolhayaha, haddii ay dhinac u badnaan lahaydna cidina ma joojin karteen.

Daqiiqaddii ugu dambaysay qaybta hore ayay taageereyaasha England isku diyaariyeen dabbaal-deg, kaddib markii uu Harry Kane kubbadda ula tegay goolhaye Neuer ee uu waliba dhinac midig ugu gooyey, waxaana cidlo u noqday goolka xulka Germany, hase yeeshee Mats Hummels ayaa meel fog iskaga soo tuuray oo ka hor laaday.

Qaybtii dambe ayuu xulka England ku bilowday si awood badan, waxaanay maamulanayeen khadka dhexe, iyadoo ay Toni Kroos, Goretzka iyo Kimmich ay ka awood badnaadeen Declan Rice, Phillips, Saka iyo xiddigaha Ingiriiska ee ay ku hirdamayeen dhexda.

GOOOOAAAAALLLLLL!!! England 1-0 Germany!! Raheem Sterling ayaa hoggaanka u dhiibay xulka qaranka England, iyadoo kubbad uu dhexda ka qaatay uu la dhex orday ciyaartoyda Jarmalka, kaddibna u dhiibtay Harry Kane oo isaguna usii gudbiyey Luke Shaw oo kusoo dhex-tuuray xerada ganaaxa, waxaana goolka hortiisa ka helay Raheem Sterling oo muran la’aan ku dhaliyey.

Goolkan ayaa dhashay daqiiqaddii 75aad ee dhamaadka ciyaarta, waxaanu ahaa xilli Jarmalku u muuqdeen inay daaleen oo lagaga awood batay ciyaarta.

GOOOOOOOALLLL! 2-0 ENGLAND! Xulka qaranka England ayaa xaqiijistay guul. Waxay heleen goolkoodii labaad, iyadoo kubbad uu dhinaca bidix kasoo qaaday Jack Grealish uu madax ku qabtay Harry Kane oo dhaliyey goolkiisii u horreeyey ee tartanka Euro.

Ciyaarta ayaa kusoo dhamaatay 2-0 ay guushu ku raacday xulka England oo ka aargoostay Jarmalka oo ka reebay labadii koob Adduun ee 1990 iyo 2010 iyo waliba Euro 96.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More