Eden Hazard Oo Afka Furtay Si Rasmi Ahna Uga Hadlay Haddii Uu Ku

3

Eden Hazard ayaa meesha ka saaray inuu ku soo laabanayo Chelsea xagaagan isagoo sheegay inuu u heelan yahay inuu noqdo xiddiga ugu weyn Real Madrid.

- Advertisement -

Xiddiga reer Belgium oo 30 sanno jir ah ayaa todoba sannadood oo guulo ahaa ku qaatay Stamford Bridge ka hor inta uusan ka tagin kuna biirin kooxda reer Spain sannadkii 2019.

Hazard ayaa ku guuleystay labo koob oo Premier League ah, Europa League iyo FA Cup intii uu joogay Chelsea isagoo mudadaas ka mid noqday xiddigaha ugu fiican Yurub.

Laakiin xaalad taas ka duwan ayuu Hazard ku wajahay Bernabey, isagoo ay diloodeen dhaawacyo. Labadii xilli ciyaareed ee uu joogay Los Blancos wuxuu dhaliyay kaliya shan gool.

Hazard wuxuu qeyb ka ahaa kooxdii Real Madrid ee ay guuldarrada ka soo gaartay Chelsea semi-finalkii Champions League ee bishii la soo dhaafay iyadoo Blues ay 1-0 finalkii kaga badisay Man City islamarkaana ay koobka qaaday markii labaad.

Ka dib guuldaradaas, waxaa soo baxayay warar sheegaya in Hazard uu doonayo inuu ku laabto Stamford Bridge si uu dib ugu soo nooleeyo waayihiisa ciyaareed.

Isagoo ka jawaabayay wararkaas xanta ah, Hazard ayaa yiri: “Weli waxay seddex sannadood iiga harsan tahay qandaraaskeyga Real Madrid, sidaasi darteed ma ahan wax qorshaha iigu jira inaan ku laabto England.

“Qof walba ayaa ogsoon in labadii sanno ee ugu horeysay Madrid inay ahaayeen kuw aan fiicneyn, sidaasi darteed waxaan doonayaa inaan isku soo saaro Real Madrid. Waxaan sameyn doonaa wax walba oo aan heerkaas ku gaari lahaa.”

Hazard ayaa hadalkiisa raaciyay: “Waa hubaal isma arko anigoo ka tagaya Madrid marka la eego xaaladeyda qandaraas.

“Nafteyda waan garanayaa, waan ogahay xaalada aan ku jiro, sidaasi darteed wax walba ayaan u huri doonaa Real xilli ciyaareedka soo socda. Sidaas ayuu qorshaheygu yahay.”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More