DHIRBAAXO: Man United Oo Xiddig Ka Dhaawacmay Kahor Bilawga Xilli

Kooxda Manchester United ayaa ah mid ay haleeshay dhirbaaxo dhaawac kahor xilli ciyaareedka cusub ee 2021-22 waxaana dhibaato canqawga ahi ay gaadhay daafaca bidix ee ree Brazil ee Alex Telles.

Tababare Ole Gunnar Solskjaer ayaa shaaca ka qaaday in 28 sano jirkaasi uu maqnaan doono dhawr toddobaad kaddib dhaawacaas tababarka ku gaadhay.

Dhaawacaas ayaa ku sababay Telles inuusan qayb ka noqon safka kooxdiisa ee ka qayb galay kulankii saaxiibtinimo ee ay guuldarrada kala kulmeen QPR shalay.

Ole Gunnar oo xaalada Alex Telles uga warramayay MUTV ayaa yidhi “Nasiib darro Alex wuu siibtay wuxuuna wax yeelay canqawgiisa sidaas darteed waxa uu maqnaan doonaa toddobaadyo, waxaanu rajaynaynaa inuusan dhaawac sidaa u xun ahayn”

Red Devils ayaa kaddib kulankaas QPR ciyaari doona saddex saaxiibtinimo oo kale oo kala ah Preston, Brentford iyo Everton kahor inta aysan si rasmi ah u bilaabay xilli ciyaareedka.

Kulanka furitaanka Premier League 2021-22 ayaa ah mid dhex mari doona Man United iyo kooxda uu xifaaltanku kala dhaxeeyo ee Leeds United 14-ka bisha August.

Daafaca bidix ee xulashada koowaad ee Man United, Luke Shaw ayaa ah mid haatan fasax qaadanaya kaddib markii uu Euro kala qayb galay xulkiisa England, Luke ayaa dhaawac feedhaha ah ku ciyaarayay inta badan tartankaas balse lagu wadaa inuu taam u noqdo bilawga xilli ciyaareedka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More