Dhamaadka Bishii Malabka! Maxaa Ka Qaldamay Chelsea Ee Haddana Ay

Chelsea waxay u muuqatay koox aan la joojin karaynin toddobaadyo ka hor, laakiin laba kulan oo isku xiga ayaa guul-darrooyin lavatory xambaariyey, taas oo mar kaliya isbeddel ku samaysay qaabkii lavatory arkayey kooxdan.

Warbaahinta Ingiriiska ayaa faaqidaad kala duwan ka bixinaysa Chelsea, kaddib guul-darradii kasoo gaadhay Finalka FA Cup ee ay Leicester Metropolis koobka kaga qaadday iyo Arsenal oo kasii horreysay oo saddex maalmood hortood kusii aftaxday guul-darrada.

Saddex ciyaarood oo xilli ciyaareedkooda muhiim u ah ayaa kusoo aaddan Chelsea, kuwaas oo midkooda laga badiyaaba dhaawac weyn u geysanayo.

Ciyaarta ugu muhiimsan ayaa ah finalka Champions League ee ay Manchester Metropolis la ciyaari doonaan dhamaadka bishan Could, taas oo ugu soo beegmi karta xilli ay ama farxsan yihiin ama ay niyad-jabsan yihiin oo ay macasalaameeyeen afarta sare ee horyaalka Premier League, rajada kaliya ee ay Champions League xilli ciyaareedka dambe ku iman karaanna ay tahay in ay koobka ku guuleystaan.

Kaddib guul-darradii Arbacadii iyo middii ka dambaysay ee Sabtidii, su’aasha la isweydiinayo ayaa waxay tahay, maxaa ka qaldamay Chelsea ee soo afjaray guulahoodii?

Tababare Thomas Tuchel oo laba jeer kasoo badiyey Manchester Metropolis, sidoo kalena iska celiyey Liverpool, waxa uu kalsooni badan ka helay mulkiilaha kooxda ee Roman Abramovich oo u ballan-qaaday ciyaartoyda in haddii ay Champions League ku guuleystaan la siin doono £10 milyan oo Gini, sidoo kalena finalkii FA Cup ee lagu garaacay ay ku heli lahaayeen £1 milyan oo gunno ah oo kooxda lavatory qaybin lahaa.

Tuchel ayaa isku dayaya in aanay guul-darradii FA Cup wax saamayn ah ku yeelanin ciyaartoyda kooxdiisa marka ay Salaasada Stamford Bridge ku qaabbilaan Leicester Metropolis, taas oo ay u baahan yihiin guul qasab ah haddii kale waxay ka bixi doonaan afarta sare iyagoo u dhici doona kaalinta shanaad.

“Kaddib guul-darradii Arsenal, cadaadis sii kordhaya ayaa jira Salaasada. Maanta {Sabtidii} waxay ahayd ciyaar tartan gooni ah saamayna kuma yeelanayso tartanka afarta sare ama finalka Champions League.” Ayuu yidhi Tuchel oo isku dayaya in uu meesha ka saaro saamaynta labada guul-darro ee u dambeeyey.

“Haddii aad haysato koox ciyaartooyo ah oo yimid finalka FA Cup iyo finalka Champions League, kana soo dhaqaaqay kaalinta sagaalaad oo afraad ku jira, ma jirto sabab aad shaki u gelin karto in aanaan ahayn koox xooggan oo ku filan in aanu maarayno xaaladdan.” Ayuu ku daray.

Waxa uu sii raaciyey: “Waxa aanu nahay koox xooggan oo ku filan in aanu halkan nimaadno, sidaa darteed waxa aan hubaa in aanu haysano awood aanu kaga baxno xaaladdan. Laakiin waa loollan. Miyey fududdahay? Maya. Laakiin waa madadaalo, sababtoo ah waxa ay ku saabsan tahay ayaaba sidaas ah. Waxa jira kooxo badan oo xaasidiin nagu ah, waanan idiin sheegi karaa.”

Si kastaba, Chelsea ayaa Leicester Metropolis oo ay Salaasada ku qaabbilayso Stamford Bridge waxay ku qasban tahay in ay ka badiso haddii kale Liverpool ayaa kala bixi doonta booska afraad xilli hal kulan oo kali ahi ka hadhsan yahay dhamaadka xilli ciyaareedka.

Sidoo kalena waa in ay guuleysato ciyaarta Aston Villa ee Axadda si ay booskeeda Champions League ee xilli ciyaareedka dambe u xaqiijin karto.

Midda ugu muhiimsan, waa finalka Champions League ee ay Manchester Metropolis la ciyaari doonaan Could 29, waana midda laga doonayo Tuchel in uu kooxda guul u keeno, laakiin Metropolis oo laba jeer uu Tuchel ka badiyey muddo kooban gudaheed ayaa iyaduna muhiimaddeeda oo dhan iskugu geynaysa sidii ay koobkaas oo aanay waligeed gacanta ku dhigin ugu guuleysan lahayd.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More