Deschamps Oo Ka Warbixiyay Xaalada Mbappe Ka Hor Bilaabashada Euro 2024.

Tababaraha xulka qaranka France ee Didier Deschamps ayaa ka hadlay cabsida laga qabo dhaawaca Kylian Mbappe ka hor Euro 2024.

Mbappe ayaa loo doortay 26-ka ciyaaryahan ee Deschamps ee ka qayb galaya tartanka xagaagan ee Germany, waxaana weeraryahanka uu shabaqa soo taabtay kulankii saaxiibtinimo ee ay 3-0 kaga badiyeen Luxembourg Arbacadii hore.

25-sano jirkaan oo ciyaartaas ciyaaray 90-kii daqiiqo ee ciyaarta, ayaa markaas loo magacaabay kursiga keydka kulankii saaxiibtinimo ee Axadii ay 0-0 la galeen Canada, waxaana uu soo galay kaliya 15-kii daqiiqo ee ugu dambeysay.

Warbixin ay soo saartay L’Equipe ayaa lagu sheegay in Mbappe uu dhawaanahan la dhibtoonayay dhibaato dhabarka ah, laakiin waxaa loo arkayay inuu taam u yahay inuu ciyaaro muddo kooban isagoo bedel ku soo galay kulankii Canada.

“Kylian waxa soo gaadhay jug kulankii Luxembourg waxana uu dhaawac ka soo gaadhay jilibka”.

“Waxa uu qaatay daawayn haatana wuu fiican yahay wuuna ciyaari karaa”ayuu sii raaciyay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More