Daniel Ek Oo Shaaciyey In Rajadiisii Iibsiga Arsenal Soo Noolaatay

Mulkiilaha barnaamijka SPOTIFY ee Daniel Ek ayaa sheegay in ay soo noolaatay rajadiisii ahayd inuu la wareego mulkiyadda Arsenal kaddib markii Stan Kroenke lagu soo oogay dacwado oo maxkamadda lala galay.

Daniel Ek oo u dhashay Sweden, waxa bishii May laga diiday dalab £1.8 bilyan oo Gini ah oo uu ku dalbaday in uu ku iibsado Arsenal, waxaanay waqtigaas Koenke iyo qoyskiisu ku adkaysteen in aanay diyaar u ahayn inay iibiyaan, xilli ay taageereyaasha kooxdu ku mudaharaadayeen oo ay dalbanayeen in ay iibiyaan.

Ganacsadaha Maraykanka ah ee Kroenke oo hantidiisa lagu qiyaasay balaayiin dollar iyo wiilkiisa Josh oo dalka Maraykankan ku leh kooxo kale oo kubadaha kala duwan ah ayay ka go’an tahay in ay sii ahaadaan mulkiileyaasha kooxda woqooyiga London.

Laakiin Kroenke oo ah mulkiilaha koox NFL ah iyo mulkiileyaal kale ayaa lagu soo oogay dacwad, waxaana kiiskoodu uu yaallaa maxkamadda St Louis, waxaana laga doonayaa £700 milyan oo magdhow ah.

Lacagtan tirada badan ee magdhowga ah ee laga doonayo ayaa la sheegay in ay la xidhiidho inay jabiyeen sharciga NFL-ka, waxaanay taasi ku keenaysaa dhibaato dhaqaale oo weyn.

Korenke ayaa tan iyo sannadkii 2016 waxa uu ahaa mulkiilaha kooxda LA Rams ee horyaalka kubadda cagta Maraykanka (NFL), waxaana hadda laga doonayaa in uu bixiso £700 milyan oo Gini.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More