“Dabada Hazard Waxay Noqotay Wax Lagu Kaftamo Laakiin….” – Yaya
Xiddigii hore ee khadka dhexe ee kooxaha Barcelona iyo Man City ee Yaya Toure ayaa ka hadlay wax ku saabsan qaarka dambe ee garabka Real Madrid ee Eden Hazard xilli uu aragti ku dhiibanayay nuqulkiisa wargeyska The Athletic.
Hazard iyo Yaya Toure ayaan ahayn kuwo isku cusub iyaga oo hore iskaga hor yimid marar badan oo ay kala metelayeen kooxaha Manchester City iyo Chelsea.
Yaya oo ah mid aad u garanaya qaab ciyaareedka Hazard lana soo kulmay ayaa ka warramay in qaybta dambe ee ciyaaryahanka ree Belgium ay dadku u arkaan wax kaftan ah laakiinse ay si weyn muhiim ugu tahay ciyaartiisa.
Toure ayaa sheegay in Hazard uu qaybtiisa dambe aad u adeegsado maadaama oo uu iskaga difaaco xiddigaha kasoo horjeeda sidaasna ay muhiim ugu noqotay hanaankiisa ciyaareed.
Halyeeyga xulka Ivory Coast ayaa yidhi “Waxa ay ku dhawaad noqotay kaftan sida ay u weyn tahay dabadiisu, laakiin aad ayay muhiim ugu tahay qaabka uu kubadda u ciyaaro”
“Hazard waa mid aad u halis ah kaas oo marka ay kubaddu u timaado, laga yaabaa inuu shan il-bidhiqsi haysto kahor inta uusan soo qaban ciyaartoyga kasoo horjeedaa, waan garanayaa wakhtigaygii City, waa inaad xadido wakhtiga uu kubadda haysto”
“Marka ay kubaddu u timaado Hazard, isagu xilli horeba waxa uu dareemi karaa in ciyaartoyga kasoo horjeedaa uu kusoo socdo, kaddib waxa uu sugaa ilaa daqiiqada ugu dambaysa kaddib waxa uu ku xanibaa dabadiisa”
“Ciyaartoyga kasoo horjeeda ayay ka riixdaa, ku dhawaad sida in la feedhay oo kale, kaddib marka uu fulo meeshaas banaan ee u dhaxaysa isaga iyo daafaca awood ayuu ku dhaqaaqi doonaa wuxuuna bilaabi doonaa weerarka”