DAAWO: “Si Xun Ayey Iila Dhaqmeen” – Jose Mourinho Oo Afka Furtay

Tababaraha reer Portugal ee Jose Mourinho ayaa markii ugu horreysay ka hadlay shaqadii laga caydhiyey maanta, waxaana uu shaaciyey in si xun ay ula dhaqantay Tottenham.

Mourinho oo maanta gellinkii hore lagu wargeliyey in laga eryey kooxda Tottenham kaddib markii ay kulamadii ugu dambeeyey lumiyeen dhibco muhiim ah oo ay ugu soo dhowaan lahaayeen kaalmaha sare ee Champions League loogu soo gudbayo, ayaa sheegay in si xun loola dhaqmay.

Mulkiilaha Tottenham ee Daniel Levy ayaa ka niyad-jabay natiijooyinka aan wanaagsanayn ee kooxda ee xiilli ciyaareedkan oo 31 ciyaarood oo ay dheeleen ay ka heleen 50 dhibcood oo kaliya, ayna hadda u muuqdaan in ay macasalaameeyeen afarta sare.

Special One oo 17 bilood tababare u ahaa Tottenham ayaa maamulay kooxda 86 ciyaarood, waxaana uu guulo keenay kaliya 44 kulan, taas oo ka dhigan in kala badh kaliya ay kooxdu saddexda dhibcood heshay, inta kalena ay barbarro iyo guul-darrooyin kusoo jirtay.

Isla maanta ayuu Mourinho ka ambobaxay Tottenham isagoo qaatay alaabooyinkiisa, waxaana bannaanka guriga kula kulmay sawir-qaadeyaasha telefishanka Sky Sports oo uu la socdo wariye Gary Cotterill.

Xilli uu baabuurkiisa ku guranayay alaabta, ayay sawir-qaadeyaashuna duubayeen Jose Mourinho oo guuraya, waxaana muuqaal kooban oo ay ka duubeen oo lasoo geliyey baraha bulshada markiiba daawaday taageereyaal tiro badan.

Mourinho ayaa sheegay in si xun loola dhaqmayo oo ay warbaahintu soo bandhigayso waxyaabaha khaaska u ah, sida alaabta uu raranayo, kooxduna aanay qarinin waxyaabihii u dhawrsoonaa, waxaana dadka uu ka cabanayo uu ku daray Wariye Gary Cotterill oo saaxiibo ay yihiin, una shaqeeye Sky Sports.

Mourinho ayaa yidhi: “Ima siinayaan dhawrsoonaan. Xataa xaasiibkay Gary ayaa i arbushaya. Noloshayda ayaa sidaas ah!”

Halkan ka daawo muuqaalka:

José Mourinho on Instagram after being sacked by Tottenham today. ⚪️?? #thfc pic.twitter.com/NZeESIic10

— Fabrizio Romano (@FabrizioRomano) April 19, 2021

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More