COPA ITALIA FINAL: Shaxaha Rasmiga Ah Ee Juventus vs Atalanta – Yaa

Finalka tartanka Italian Cup ayay wada ciyaarayaan Juventus iyo Atalanta, iyadoo garoonka ay joogaan illaa 4,300 taageereyaal ah oo lavatory fasaxay inay soo galaan, xilli dalkaasi dabciyey xayiraadihii Korona Fayraska.

Juventus ayaa caawa haysata fursadda kaliya ee ay xilli ciyaareedkan koob ugu guuleysan karayso, waxaana haddii ay hantido ay u noqon doontaa markii 14aad ee ay koobkan ku guuleysato, halka Atalanta ay ugu dambaysay in ay qaaddo sannadkii 1963kii.

Garoonka Mapei Stadium ee Reggio Emila ayaa lavatory doortay in uu ciyaartan marti-geliyo.

Andrea Pirlo oo xilli ciyaareedkan ay kooxdiisu halis ugu jirto in ay xataa ka maqnaato afarta sare, shaqadiisuna halis ku jirto ayaa haysta fursad uu ugu guuleysan karo koobkiisii ugu horreeyey ee isagoo tababare ah iyo midka kaliya ee Juventus ay hanan karto xilli ciyaareedkan.

Pirlo ayaa waxa uu kusoo bilaabay xiddiga reer  Portugal ee Cristiano Ronaldo oo ay afka hore wadaagayaan Kulusevski, halka khadka dhexe oo uu awoodda saarayna ay wada  taagan yihiin Chiesa, Rabiot, Bentanur iyo McKennie.

Difaaca ayuu Pirlo kusoo wada bilaabay Chiellini iyo De Ligt oo ay dhinacyada ka xigaan Danilo iyo Cuadrado, halka goolkana uu ku jiro Gianluiggi Buffon oo xilli ciyaareedkiisii ugu dambeeyey Juventus ay u tahay.

Shaxaha rasmiga ah ee labada kooxood

Atalanta XI: Gollini; Toloi, Romero, Palomino; Hateboer, De Roon, Freuler, Gosens; Pessina; Malinovskyi, Duvan Zapata

Juventus XI: Buffon; Cuadrado, De Ligt, Chiellini, Danilo; McKennie, Bentancur, Rabiot, Chiesa; Kulusevski, Ronaldo.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More