Chelsea Oo Xalay Saqdii Dhexe Dalab Ka Gudbisay Robert Lewandowski &

Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa dalab ka gudbisay xiddiga reerPoland ee Robert Lewandowski ee afka hore uga ciyaara Bayern Munich, kaas oo ay dul-dhigtay £50 milyan oo Gini, kaddib markii ay usoo baxday xisaabta ah inay adag tahay in xilli ciyaareedkan ay helaan dhaliyaha Erling Haaland oo ahaa bartilmaameedkooda koowaad.

Blues ayaa isku dayday inay ku qanciso Borussia Dortmund inay aqbasho dalab ciyaartooyo iyo lacag kaash ah oo ay ku doonaysay da’yarka £150-ka milyan ee Gini lagu qiimeeyey, hase yeeshee waxay kooxda reer Germany kasoo celisay jawaab diidmo ah.

Kooxda difaacanaysa Champions League ayaa hadda u jeedsaday dhinaca dhaliyaha rikoodh jabiyaha ah ee Lewandowski oo uu Tuchel isku dayayo inuu keeno Stamford Bridge si uu uga xalliyo mushkiladda goolal la’aanta.

Laakiin Chelsea ayaa dagaal adag kala kulmi doonta Bayern Munich oo aan ogolayn inay dhayal ku fasaxdo laacibkeedan, waxaana ka horreysa wada-xaajood adag iyo qiimihiisa oo cirka lagu shareeri karo haddii uu ciyaartoygu ku riixo in la iibiyo.

Munich ayaa doonaysa in uu Lewandowski oo 32 jir ahi kordhiyo qandaraaskiisa hadda oo dhamaadkiisu yahay sannadka 2023, mana muuqato duruuf ku kallifaysa inay iibiyaan xilligan hase yeeshee Chelsea ayaa ciyaaraysa laba kaadh oo ah inay Munich kaga faa’iidaysato dhaqaale xumada ku habsatay oo ay hor-dhigto £50 milyan oo Gini iyo xataa haddii laga fursan waayo inay ciyaartoy u diri karto Allianz Arena.

Chelsea ayaa waxa qorshaha ugu jirta in ay helaan beddelka Olivier Giroud iyo dhaliye dabiici ah kaddib xilli ciyaareed iyagoo goolashii ugu yaraa dhaliyey ay haddana ku guuleysteen tartanka Champions League.

Hakim Ziyech oo saddex gool dhaliyey kulankii shalay kooxdiisu 6-1 ku garaacday Peterborough United oo mustaqbalkiisu aanu sugnayn ayaa la hadal-hayaa in uu ka mid noqon karo ciyaartoyda Munich loo bandhigayo, sidoo kalena Ross Barkley, Tammy Abraham iyo Callum Hudson-Odoi ayaa iyaguna ku jiri kara.

Si kastaba, dalabka Chelsea ka gudbisay Robert Lewandowski ayaa yimid maalmo kaddib markii ay warbaahinta Ingiriisku sheegtay, in Manchester City ay xiddigan doonayso.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More