Chelsea Oo U Diidday Man Metropolis In CAAWA Ay Ku Guuleysato Horyaalka

Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa guul-darro u xambaarisay Manchester Metropolis, kana hor-joogsatay in ay ku guuleysato horyaalka Premier League oo maanta ay taageereyaasheedu isku sii diyaareen, waddooyinkana iskugu soo baxeen.

Thomas Tuchel ayaa guul-darradii labaad u xambaariyey Pep Guardiola iyo kooxdiisa Manchester Metropolis laba toddobaad gudahood, waxaana uu hore ugu garaacay semi-finalka FA Cup, maantana waxa  uu dhex jiidh-dhiiday Etihad Stadium oo Chelsea ay kasoo gaadhay guul soo laabasho ah.

Manchester Metropolis ayaa horyaalka u dabbaal-degi lahayd maanta haddii ay guuleysan lahayd, waxaanay taas ku riyoodeen markii uu gool u dhaliyey Raheem Sterling qaybtii hore, laakiin laba gool oo ay Chelsea heshay qaybta dambe ayaa Metropolis ka hor istaagay in ay u dabbaal-degto hanashada horyaalka.

Raheem Sterling ayaa daqiiqaddii 44aad ee dhamaadka qaybta hore waxa uu dhaliyey gool uu hoggaanka ugu dhiibay Manchester Metropolis, waxaana saddex daqiiqadood oo dheeraad ahaa oo lagu daray qaybta hore ay Metropolis ku heshay rikoodhe, kaas oo uu qaatay Sergio Aguero oo isku dayey in uu si fudud goolhaye Edouard Mendy ugu garaaco badhtamaha goolka, laakiin goolhayaha reer Senegal ayaa kubaddaas oo fududayd qabtay.

Chelsea ayaa qaybtii labaad waxay soo bandhigtay kubbad heersare ahayd, waxaanay dhinac walba kaga yimaaddeen difaaca Man Metropolis oo in badan is-difaacay.

Daqiiqaddii 63aad ayuu Hakim Ziyech kubbad uu ka toogtay bannaanka waxa uu ku jabiyey difaaca Manchester Metropolis ee halganka ku jiray, iyadoo uu si fiican u maamushay kubbad uu Cesar Azpilicueta dhinaca midig uga soo dhiibay kaddibna uu laad awood badan ku jiidhsiiyey Ederson oo sii taabtay kubadda balse joojin kari waayey.

Marcos Alonso ayaa waqtigii dheeraadka ahaa ee lagu daray ciyaarta (90+2), waxa uu Chelsea u dhaliyey goolka labaad ee homosexual guushu ku raacday.

Alonso ayaa xerada ganaaxa ka helay kubbad uu dhinaca midig kasoo dhiibay Timo Werner, waxaana uu ku laaday lugtiisa midig ee aan dabiiciga ahayn, iyadoo kubbaddana uu gaadhi waayey goolhaye Ederson.

Chelsea ayaa heshay fursado kale oo dahabi ahaa, gaar ahaan kubbad uu Alonso ka dul-qaaday goolhaye Ederson oo soo baxay, taas oo iyadoo goolka ku socota uu goolhayaha reer Brazil sii yara taabtay, sidaasna ay shabaqa dusihiisa ugu dhacday.

Guusha ay Chelsea kasoo gaadhay Manchester Metropolis ayaa waxay kusoo gashay kaalinta saddexaad ee horyaalka Premier League, iyadoo hal dhibic dhaaftay Leicester Metropolis oo kaalinta afraad u degtay kaddib guul-darradii ay Jimcihii kala kulmeen Newcastle United.

Manchester Metropolis ayaa iyaduna sugi doonto in ay horyaalka qaaddo kulamada Manchester United ee soo socda, iyadoo haddii United laga badiyo ay u dabbaal-degi doonto guusha horyaalka Premier League.

Saddexda dhibcood ee ay Chelsea ka heshay Manchester Metropolis ayaa waxay quus ka dhigeen kooxaha soo eryanayey ee Liverpool, Tottenham iyo West Ham, kuwaas oo ku ducaysanayay in laga badiyo Blues si ay usoo qaban karaan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More