Chelsea Oo Kooxdeeda Ku Dhex Haysata Shaqsiga Kahor Istaagaya Saxeexa

Daafaca dhexe ee kooxda Chelsea ee Kurt Zouma ayaa caqabad ku noqon kara heshiiska ay kooxdiisu doonaysay inay isaga ku darto kuna soo qaadato Joules Kounde oo Sevilla ka tirsan.

Gabadha suuqa uga masuulka ah Chelsea ee Marina iyo agaasimaha ciyaaraha Sevilla ee Monchi ayaa sii wadi doona wadahadalada ay ku jireen si ay u gaadhaan heshiis buuxa oo kala helida Kounde ah.

Warar cusub ayaa sheegaya in Zouma uu ka fikirayo inuu iska diido heshiis uu Sevilla ugu biirayo waana go’aan haddiiba uu gaadho dhirbaaxo ku noqon doona hammiga Blues ee saxeexa Kounde.

Sababta uusan Zouma u doonayn inuu u wareego Sevilla ayaa ah inuu doonayo sii joogista horyaalka Premier League gaar ahaan magaalada London ee uu saldhigtay.

Wargeyska Sportsmail ayaa shalay shaaciyay in West Ham United ay xiisaynayso saxeexa Zouma isla markaana ay 20 Milyan oo pound kula wareegi karto.

Chelsea ayaa doonaysa inay Zouma ku darto heshiiska ay Kounde ku keenayso Stamford Bridge balse go’aankiisa ayaa ah mid caqabad noqon kara, waxa laga warsugi doonaa haddiiba 26 sano jirkaas lagu qancin karo inuu Spain u wareego.

Sevilla ayaa iibka Joules Kounde ku doonaysa 80 Milyan oo euro oo ah lacagta heshiiskiisa lagu jabin karo balse haddiiba ciyaartoy loogu daro qiimo macquul ah aqbali karta.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More