Chelsea Oo Harry Kane Awooda Saaraysa, Declan Rice Oo Man United Ka

Ajax ayaa Manchester United kula tartami doonta 19 sano jirka garabka weerar ee xulka qaranka Ghana ee Kamaldeen Sulemana oo hadda ka tirsan kooxda FC Nordsjaelland. (Mail on Sunday)

Manchester United ayaa mushahar kordhin £2.5 Milyan ah u samayn doonta Edinson Cavani si uu kooxdeeda sanad kale usii joogo. (Solar on Sunday)

Declan Rice ayaa qishay inuu iskaga tagi karo West Ham si uu Yurub uga ciyaaro, Man United iyo Chelsea ayaa mudo dheer lala xidhiidhinayay. (Sunday Mirror)

Tottenham weeraryahankeeda Harry Kane ayaa bar-tilmaameed sarre u ah Chelsea, Blues ayaa dalab ka gudbin doona haddii uu yahay mid la heli karo. (Soccer Insider)

Kane ayaa diyaar u ah inuu guddoomiyaha kooxdiisa ee Daniel Levy weydiisto inuu dhagaysto dalabaadka laga soo gudbinayo. (Solar on Sunday)

Manchester United ayaa xiisaynaysa saxeexa 17 sano jirka Borussia Dortmund ee Jude Bellingham bedelka saaxiibkiisa kooxdaas ee Jadon Sancho. (Bild, through Manchester Night Information)

Bellingham ayaa isagu ku faraxsan Dortmund xilli kooxda qudheeda oo wax sanad ka yar kahor ku garaacday saxeexiisa isla Man United aysan doonayn inay iibiso.(Sport 1 journalist Patrick Berger on Twitter)

Borussia Dortmund ayaan sidoo kale tixgelinayn inay iibiso 20 sano jirka weerarka ee kooxdeeda ee Erling Haaland isla markaana dhagaysan doonta dalabaadka 180-ka Milyan ee euro gaadhsiisan ee laga soo gudbiyo oo kaliya. (Marca)

Mikel Arteta ayaa weydiistay boodhka kooxdiisa Arsenal inay suuqa lacag galiyaan xagaaga si ay kooxdu Premier League ugu tartanto. (Sunday Star)

Everton ayaa la saxeexan karta goolhayaha ree Poland iyo kooxda Juventus ee Wojciech Szczesny balse PSG ayaa dhinaceeda iyaduna 31 sano jirkaas ka doonaysa. (Calciomercato – in Italian)

Sheffield United 23 sano jirkeeda Sander Berge oo lala xidhiidhinayay Arsenal, Aston Villa iyo Everton ayaa kooxdaas heshiis 35 Milyan oo pound ah kaga tagi kara sababtoo ah qoddob dhigayay in qiimahiisu sidaas hoos ugu soo dhaco haddii kooxdu horyaalka ka dhaadhacdo. (Yorkshire Dwell)

West Ham ayaa doonaysa inay Marko Arnautovic qaab bilaash ah dib ugula soo saxeexato horyaalka shiinaha, 32 sano jirkaas ayaa sidoo kale lala xidhiidhinayaa Crystal Palace, Everton, Inter Milan iyo AC Milan. (Il Resto del Carlino, through Sunday Mail)

Jose Mourinho ayaa doorka weerarka ee kooxda uu ku biirayo ee AS Roma ka doonaya Andrea Belloti oo Torino ka tirsan amaba Mauro Icardi Oo PSG qayb ka ah, sidoo kale kooxda ayaa Eden Dzeko oo markii hore la filayay inuu baxo sii haysan karta. (Corriere dello Sport – in Italian)

Barcelona ayaa wali xiisaynaysa saxeexa 18 sano jirka khadka dhexe ee kooxda Ajax ee Ryan Gravenberch iyaga oo markii uu 15 sano jirka ahaa ugu horreyn saxeexiisa isku dayay, Barca ayaa tartan kala kulmaysa Man United iyo Juventus. (Mundo Deportivo – in Spanish)

Bayern Munich madaxweynaheega Herbert Hainer ayaa sheegay inaysan kooxdiisu saxeexyo qaali ah samayn doonin xagaaga, taas ayaa meesha ka saaraysa inay Achraf Hakimi oo Inter Milan ka tirsan u dhaqaaqi doonaan.. (Purpose)

Tababaraha Liverpool ee ee Jurgen Klopp ayaa xaqiijiyay in xiddiga kooxdiisa ee Takumi Minamino oo Southampton uu mustaqbalkiisu yaalo Anfield. (Purpose)