Chelsea Ma Waxay Taageero Ka Helaysaa Garsooreyaasha Semi-finalka

Tababaraha kooxda kubadda cagta Chelsea ee Thomas Tuchel ayaa rumaysan in garsooreyaashu aanay garab siin doonin kooxdiisa oo aanay u eexan doonin kulamada semi-finalka Champions League ee lugta hore ay habeen dambe la ciyaari doonaan Actual Madrid oo ay ugu tegayaan Alfredo Di Stefano.

Los Blancos ayay UEFA si aad ah isku qabteen toddobaadkii hore kaddib markii ay hormood ka noqotay samaynta tartanka lidka ku ah Champions League ee European Tremendous League, kaas oo ay illaa hadda kusii dhegsan yihiin in aanay ka tanaasuli doonin, halka Chelsea iyo kooxo kale oo tiradoodu tahay toddoba ay ka baxeen.

Lixda kooxood ee waaweyn ee Ingiriiska oo lagu daray Atletico Madrid iyo Inter Milan ayaa shaaciyey in ay ka laabteen ka mid noqoshada Tremendous League, kaddib mudaharaadyo gilgilay Ingiriiska oo gaadhay heer mulkiileyaasha Arsenal, Manchester United iyo Liverpool lagu cadaadiyo in ay iska iibiyaan kooxahooda.

UEFA ayaa hore ugu hanjabtay in ay ciqaabayso kooxahan, waxaase fartu si gaar ah ugu godnayd Actual Madrid maadaama uu Florentino Perez noqday guddoomiyaha Tremendous League, illaa haddana uu ku adkaysanayo in aanay kooxdiisu ka laabanayn.

Ciqaabtii ahayd in kooxaha qaarkood laga ganaaxayo semi-finalka Champions League ayaa ugu dambayntii ay muuqataa in ay meesha ka baxayso, sababtoo ah, waxa Salaasada iyo Arbacada la ciyaarayaa lugta horee ee semi-finalka tartankan.

Tababaraha Chelsea ee Thomas Tuchel ayaa lagu weydiiyey shirkii jaraa’id ee ka hor  kulanka Actual Madrid, in kooxdiisa Blues ay garab ka heli doonto garsooreyaasha oo ay u dhego nuglaan doonaan, halka Actual Madrid ay ku ad-adkaanayaan.

Tuchel oo su’aashan ka jawaabay ayaa meesha ka saaray in garsooreyaashu ay dhinaca kooxdiisa u xaglin doonaan, waxaana uu tilmaamay in in uu aaminsan yahay in garsooraha ugu fiican loosoo diray.

Thomas Tuchel ayaa yidhi: “Anigu boqolkiiba boqol ayaan rumaysanahay garsooridda iyo UEFA. Waxa aan ku kalsoonahay cidda ay usoo direen heerkan, waxaanad u baahan tahay garsooraha ugu wanaagsan. Kalsooni buuxda  ayaan ku qabaa boqolkiiba boqol.”

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More