Chelsea, Liverpool, Man United, Arsenal, City & Spurs Oo La Xaqiijiyey

Kooxaha waaweyn ee Ingiriiska ayaa la xaqiijiyey in ay mar kale khiyaano kula kaceen taageereyaashooda, isla markaana ay mudaharaadyadii iyo kacdoonkii gilgilay ee jamaahiirta kaga imanayay iska aamusiiyeen been aan meel fog gaadhsiisnayn.

Manchester United, Liverpool, Chelsea, Man City, Arsenal iyo Tottenham ayaa ka mid ahaa 12 kooxood oo reer Yurub ah oo samaystay tartan loogu magac-daray European SUper League, laakiin naadiyadan ayaa markii ay jamaahiirtooda, khubrada ciyaaraha iyo xidhiidhaduba dhalleecayn ba’an u jeediyeen, waxay 72 saacadood  gudahood ku dhawaaqeen inay ka baxeen tartankaas.

Waxa go’aanka lixda kooxood ee Ingiriiska ah oo kale qaatay saddexda naadi ee kale ee AC Milan, Inter Milan iyo Atletico Madrid, halka kooxaha Real Madrid, Barcelona iyo Juventus ay ku adkaysteen in aanay marnaba ka laaban doonin samaysiga tartanka ESL, ayna aaminsan yihiin in aanu sharci u diidayaa jirin.

Kooxahan sagaalka ah ayaa aqbalay ganaax ay ku ridday UEFA, halka kuwa Ingiriiska ay u dheer tahay Premier League oo isaguna ciqaabo marinaya.

Laakiin waxa hadda la xaqiijiyey, in lixda kooxood ee Ingiriiska ah ay ku kaceen khiyaano weyn oo ay wali kusii jiraan tartanka oo ay qayb kasii yihiin.

Arrintan oo uu hore usii kashifay madaxweynaha Real Madrid ee Florentino Perez oo sheegay in aanay naadiyadani awood u lahayn inay ka baxaan tartanka Super League oo uu qabanayo heshiisyadii ay galeen oo ku waajibin doona lacago boqollaal milyan ah koox walba oo isku dayda inay ka baxdo, ayaa hadda xaqiiqadeedii bannaanka timid.

Warbaahinta Ingiriiska ayaa shaacisay in kooxahani aanay ka bixin Super League laakiin ay taageereyaashooda ku khiyaameeyeen in ay ka baxeen si ay iskaga aamusiiyaan mudaharaadyadii ku socday.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More