CHAMPIONS!! Manchester City Oo Ku Guuleysatay Koobkeedii Ugu Horreeyey

Kooxda kubadda cagta Manchester City ayaa sannadkii afraad oo xidhiidh ah ku guuleysatay koobka Carabao Cup / EFL Cup oo ay finalkiisa ku garaacday Tottenham, waxaanay ku adkaatay gool madi ah oo waqti dambe uu u dhaliyey difaaca reer France ee Laporte.

- Advertisement -

Manchester City oo sidoo kale isku diyaarinaysa hanashada horyaalka Premier League oo saddex guulood oo kali ahi ka xigaan ayaa ku guuleysatay markeedii siddeedaad tartanka Carabao Cup / EFL Cup.

Tababare Pep Guardiola oo riyadiisa xilli ciyaareedkan ay tahay in uu ku guuleysto ugu yaraan saddex koob, ayaa waxay kooxdiisu u qalmaysay in ay koobkan gacanta ku dhigto, iyadoo inta badan gacanta ku haysay maamulka ciyaarta.

Tottenham oo lix maalmood ka hor caydhisay tababaraheedii Jose Mourinho oo ku hamiyayay in uu ka saaro abaarta koobab la’aanta ee 13 jirsatay, ayaa waxa macallinkii beddelay ee Ryan Mason uu galay dedaal badan, laakiin daqiiqaddii 82aad ayaa kubbad laad xor ah oo uu soo tuuray Kevin de Bruyne, waxa madax ku qabtay Laporte oo meel hoose kubadda ka geliyey goolka Spurs.

Phil Foden, Riyad Mahrez, Raheem Sterling iyo Ilkay Gundogan ayaa dhamaantood helay fursado waaweyn oo ay goolal ku dhalin karayeen, waxaana dhamaadkii shabaqa soo taabtay Riyad Mahrez laakiin markii uu bilaabay dabbaal-degga waxa taagnaa calanka muujinaya in uu offside ku jiro.

Pep Guardiola ayaa si weyn u dabbaal-degay dhamaadka ciyaarta sababtoo ah, wuxuu afartii sannadood ee uu joogay Etihad Stadium uu dhamaantood ku guuleystay koobkan oo aan maran laga qaadin, waxaanay sidoo kale u ahayd markii siddeedaad ee ay Manchester City hanato koobkan, iyadoo la barbarraysay Liverpool oo ay min siddeed mar hanteen.

Kaddib koobkan, Manchester City ayaa isku diyaarin doonta Champions League oo ay semi-finalka la ciyaari doonaan PSG Arbacada toddobaadkan oo lugta hore qabsoomayso, halka toddobaadka xigana ay ku kala bixi doonaan lugta labaad ee go’aaminaysa kooxda finalka tegaysa.

Dedaalkooda oo dhan ayay Man City iskugu geyn doontaa Champions League si ay u xaqiijisato riyada ah in ay ku wada guuleysato EFL Cup, Premier League iyo Champions League.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More