CAJIIB: Dareenka Xanuunka Badan Ee Uu Soo Maray Tababare Mancini Oo Uu

Tababaraha xulka qaranka Talyaaniga ee Roberto Mancini ayaa u muuqda mid dhammaan ciyaaryahanada dalkiisa ka badbaadinaya xanuun uu isagu hadda kahor kasoo maray isla dalkaas isaga oo ciyaartoy ah.

Xulka Talyaaniga ayaa lagu sifayn karaa midka ugu cajiibsan dalalka ilaa haatan bandhigyada ku samaynaya tartanka Euro 2020 iyaga oo sagaal dhibcood kaga soo baxay Group-kooda, toddoba gool soo dhaliyay isla markaana aan wax gool ah laga dhalin.

Talyaaniga ayaa min 3-0 uga soo adkaaday xulalka Switzerlands iyo Turkey halka ay 1-0 ku jidheen xulka Wales iyadoo waliba tababare Mancini uu isbedelo badan ku sameeyay shaxdiisa ciyaartaas.

Arrinta cajiibka ah ayaa ah in xulka lagu naanayso Azzuri aan laga adkaan tan iyo September 2018 iyagoo 30 kulan oo xidhiidh ah guuldarro la’aan ah halka 10kii ciyaarood ee ugu dambeeyay aan shabaqooda la taaban.

Haddaba, mid kamida waxyaabaha hadal haynta dhaliyay ciyaartii Wales ayaa ahayd in Mancini uu daqiiqadii 89-aad bedel kusoo galiyay goolhaye Sirigu isaga oo soo saaray Gianluigi Donnarumma.

Roberto Mancini ayaa la sheegayaa inuu doonayo in xiddig kastaa daqiiqado xulka metelo maadaama oo uu wali dareemayo xanuunkii ka qabsaday markii loo qaatay koobkii aduunka ee 1990 isaga oo ciyaartoy ah balse aan 1 daqiiqo la adeegsan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More