Bye…Bye: Kaddib Heshiiskii Messi Ee Maanta, Barcelona Oo Suuqa

Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa suuqa dhigtay mid ka mid ah ciyaartoydeeda kaddib markii ay maanta xaqiijisatay heshiis ay la gaadhay Lionel Messi oo ogolaaday qandaraas cusub oo shan sannadood ah taas oo soo afjartay laba toddobaad oo uu koox la’aan ahaa.

Barcelona oo ku jirta xaalad dhaqaale xumo ayaa waxa ka maqan goolhayaheedii koowaad ee Marc-Andre ter Stegen oo qalliin lagu sameeyey ka hor intii aanu bilaabmin tartanka qaramada Yurub ee Euro 2020, laakiin haddana kooxda ayaa suuqa dhigtay beddelkiisii Neto oo xilli ciyaareedkii hore ay ku baxsadeen intii uu dhaawac ahaa Ter Stegen.

Goolhayaha reer Brazil oo Camp Nou yimid sannadkii 2019kii ayaa kaydka ugu jiray Ter Stegen, kumana qanacsana kaalinta uu ku leeyahay kooxda  hase yeeshee kooxda ayaaba doonaysa in ay iibiso si ay si ay u hesho lacag ay iskaga furfurto culayska dhaqaale ee haysta.

Warbaahinta Spain ayaa sheegtay, in Barcelona ay ku doonayso Neto lacag fiican inkasta oo aan la sheegin qiimaha rasmiga ah ee ay u goysay inay ku iibiso.

Shantii kulan ee uu xilli ciyaareedkii hore dheelay ee isugu jiray laba La Liga ah, Champions League, hal Copa del Rey iyo Spanish Super Cup, ayaa waxa uu Neto ku muujiyey inuu yahay goolhaye u qalmaya inuu helo boos joogto ah, iyadoo waqtigaas uu ciyaarayna uu dhaawac ku maqnaa Ter Stegan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More