Bukayo Saka Oo Barbarreeyey Rikoodh Ay Haysteen Michael Owen Iyo

Bukayo Saka ayaa xalay barbarreeyey rikoodh khaas u ahaa oo ay haysteen Michael Owen iyo Raheem Sterling kaddib markii uu wacdaro ka dhigay kulankii dalkiisu 1-0 kaga badiyey Czech Republic.

19 jirkan ayaa kusoo bilowday ciyaartii xalay, waxaana uu tusiyey dunida in ay tahay in si joogto ah loogu bilaabo ciyaar kasta, isagoo noqday ciyaartoygii ugu wanaagsanaa garoonka.

Xiddigan Arsenal ayaa soo bandhigay ciyaar qaan-gaadh ah oo aanu dareemayn wax culays ah, iyadoo uu difaacyahannada Czech Republic si fudud iskaga dhex qaadayay, waxaana markii ay ciyaartu dhamaatay la guddoonsiiyey abaal-marinta xiddigii ciyaarta [Man of the Match].

Bukayo Saka ayaa ahaa ciyaartoygii kasoo shaqeeyey ee xerada ganaaxa keenay kubbaddii uu Jack Grealish kasoo qaaday dhinaca bidix ee uu madaxa ku dhaliyey Raheem Sterling, taas oo Ingiriiska sabab ugu noqotay inay kaalinta  koowaad kaga soo baxaan Group D.

Laacibkan ayaa dhamaystiray kubbado cajiib ah oo uu kasoo qaatay khadka dhexe isla markaana uu weeraryahannada ugu geeyey meel aan ka fogayn goolka kooxda kasoo horjeedday, waxaanu noqday ciyaartoygii ugu da’da yaraa ee Ingiriis ah ee bandhig noocaas ah sameeya tan iyo intii ka dambaysay Raheem Sterling oo Koobkii Adduunka 2014 wacdaro ka dhigay kulankii Uruguay, kaas oo isagana uu kasii horreeyey Michael Owen oo Koobkii Adduunka 1998 bandhig heersare ahaa ka sameeyey ciyaartii Argentina. Saka ayaa noqday ciyaartoygii saddexaad ee da’yar ah ee sidaas oo kale sameeya.

5 – Bukayo Saka’s five completed take-ons are the joint-most by an English teenager at a major tournament since we have full data for the EUROs (1980) and World Cup (1966), equalling Raheem Sterling in 2014 vs Uruguay and Michael Owen in 1998 vs Argentina. Wavy. #EURO2020 pic.twitter.com/QAHudQWZ5y

— OptaJoe (@OptaJoe) June 22, 2021

Si kastaba, Bukayo Saka ayaa amaan badan ka helay tababaraha reer Portugal ee Jose Mourinho iyo khubarada kale ee ciyaaraha ee falanqaynayay kulankii xalay ee England iyo Czech Republic.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More