Bruno Fernandes Oo Jabiyey Rikoodhkii Frank Lampard, Iskuna Qoray

Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara Manchester United ee Bruno Fernandes ayaa jabiyey rikoodhkii halyeygii Chelsea  ee Frank Lampard ee horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League, waxaanu isku qoray taariikhda horyaalka, kaddib gool uu ka dhaliyey kulankii xalay ee Liverpool.

United ayaa xalay guul-darradii labaad oo xidhiidh ah kala kulantay horyaalka Premier League, waxaana 4-2 ku garaacday Liverpool iyadoo lagu ciyaarayo garoonka Outdated Trafford, laakiin Manchester United ayaa hoggaanka ciyaarta qabatay 10 daqiiqadood oo kaliya markii ay socotay, iyadoo kubbad uu soo laaday Bruno Fernandes oo isku sii leexiyey Nat Phillips, taas oo lavatory qoray laacibka reer Portugal.

Goolkan uu dhaliyey Fernandes ayaa ahaa midkiisii 28aad ee 56 ciyaarood  oo uu u saftay Manchester United xilli ciyaareedkan socda ee 2020-21 ee dhamaan tartamada, waxaanu sidaas ku dhigay rikoodh cusub oo dhinaca gool-dhalinta ah oo aan hore uga dhicin guud ahaan kubadda cagta Ingiriiska.

Bruno ayaa dhaliyey goolashii ugu badnaa taariikhda Premier League ee hal xilli ciyaareed uu saxeexo ciyaartoy khadka dhexe ka ciyaara, waxaana uu jabiyey rikoodhkii Lampard ee xilli ciyaareedkii 2009-10.

26 jirkan ayaa waxa kale oo uu ku lug yeeshay 44 gool oo ay kooxdiisu dhalisay 50 kulan oo uu u saftay United {26 ayuu dhaliyey, 18 kalena caawiye ayuu ka noqday}, waxaanu sidaas kunoqday ciyaartoygii saddexaad ee taariikhda United rikoodh goolal intaas le’eg ka  qayb-qaata, waxaana ka horreeya Eric Cantona oo 46 gool ka qayb-qaatay iyo Robin van Persie oo 45 gool ku lug yeeshay.

44 – Bruno Fernandes has been straight concerned in 44 targets in 50 Premier League appearances for Man Utd (26 targets, 18 assists); solely Eric Cantona (46) and Robin van Persie (45) had a hand in additional of their first 50 appearances within the competitors for the membership. Talisman. #MUNLIV pic.twitter.com/5P50yYCecW

— OptaJoe (@OptaJoe) Might 13, 2021

Bruno Fernandes oo Manchester United ay €55 milyan oo Euro kaga soo iibsatay Sporting Lisbon bishii January ee 2020, waxa uu noqday laacibka ugu saamaynta badan Outdated Trafford, iyadoo uu qarkana u saaran yahay in uu jabiiyo rikoodhka Eric Cantona oo laba gool oo kali ahi uga hadhsan yihiin, xilli Manchester United ay haysato laba ciyaarood oo horyaalka Premier League ah iyo finalka Europa League.

78 ciyaarood oo dhamaan tartamada ah oo uu u saftay Manchester United waxa uu u dhaliyey 40 gool iyo 25 kale oo uu ka qayb-qaatay, mana jiro ciyaartoy Pink Devils ah oo ka goolal iyo caawin ba badan intii uu kooxdan kusoo wareegay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More